Hormuud oo 500 oo qoys beero u sameysay.

Hay’adda Hormuud  Foundation ayaa soo bandhigtay mashruuc wax loogu qabtay  in ka badan 500 qoys oo danyar ah, kuwaas oo ku nool magaalada  Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha hoose iyo nawaaxigeeda.

Maamulaha hay’adda Hormuud Foundation, Cabdullaahi Nuur Cismaan oo warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in 500 oo qoys ay u beereen min hal hiktar oo dhul beereed ah.

Maamulaha ayaa tilmaamay in qoysaska laga soo xulay ilaa 33 tuulo oo hoos taga degmada Jowhar.

Cabdullaahi Nuur Cismaan ayaa sheegay in sidoo kale ay degmada Jowhar ka fureen xarun lagu quudiyo dadka ay saameysay  fatahaadda webiga Shabeelle bishii Oktoober ee sanadkii 2013-kii.

Maamulaha ayaa intaas ku daray  in koox dhaqaatiir  ah ay u direen magaalada Jowhar intii ay socotay fatahaadda.

Author: Liban Farah

Editor of Faafiye.com
Host of Faafiye Show
I can be reached by Email at editor@faafiye.com

Share this post