Madaxa doorashada Somaliland oo iscasilay.

War saxaafadeed kooban oo uu galabta soo saaray gudiga doorashooyinka Somaliland ayaa waxa uu ku dhawaaqay in guddoomiyihii gudigaasi, Ciise Maxamed Yuusuf uu iska casilay jagadaasi.

War saxaafadeedka oo nuqul ka mid ah ay BBC heshay ayaa waxaa lagu sheegay in guddoomiyuhu uu qoraal rasmi ah u gudbiyay xubnaha kale ee gudiga doorashooyinka, iyaguna si wadajir ah uga aqbaleen istiqaaladiisa.

Lama sheegin sababta uu guddoomiyuhu isu casilay, laakiinse wuxuu BBC u sheegay inuu arrimo shakhsi ah isaga casilay xilkii guddoomiyanimada gudiga doorashooyinka, hase-yeeshee uu sii ahaanayo xubin ka tirsan gudiga.

War saxaafadeedka waxa uu gudiga doorashooyinku ku sheegay inay markiiba cod wadajir ah ugu doorteen guddoomiyaha cusub ee gudiga doorashooynka inuu noqdo oo jagadaasi uu buuxiyo Maxamed Axmed Xirsi, oo horrey u ahaa afhayeenka gudiga.

Gudiga doorashooyink Somaliland waxa uu ka kooban yahay 7 xubnood oo iyagu si xor ah u maamula doorashooyinka Somaliland. Gudigan hadda xilka haya waxa u soo maamulay doorashadii madaxtooyada ee 26-kii June 2010, ee uu ku guuleystay murashaxii xisbiga mucaaridka ahaa ee KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, isagoo kaga guuleystay madaxweynihii xilligaasi Daahir Rayaale Kaahin.

Somaliland ayaa waxaa lagu wadaa in ay doorashooyinka baarlamaanka iyo tan madaxweynaha ka dhacdo bartamaha sanadka 2015.

Share this post

Post Comment