Al-Shabaab oo 700 oo neef ka rabta dadka Ceeldheer.

Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa lagu soo warramayaa inay amar ku siisay dadka ku nool degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud inay muddo saddex toddobaad ah ku soo ururiyaan 700 oo neef oo ay maleeshiyadu u adeegsato dagaallada.

Dadka deegaanka qaarkood oo la hadlay Bar-kulan ayaa ka cabanaya inaysan awoodin xoolahaas inay bixiyaan, waxayna tilmaameen inay ka walwalsan yihiin inay Al-Shabaab xoog uga wada qaadato xoolahooda haddii ay amarka u hoggaansami waayaan.

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo ciidamada AMISOM ayay ka codsadeen inay soo gaaraan degmada Ceeldheer si ay uga badbaadiyaan dhibaatada ay ku hayso Al-Shabaab.

Dhowr bilood ka hor ayay Al-Shabaab dadka deegaanka si khasab ah uga qaadday lacag gaareysa 100 kun oo doollar.

Author: Liban Farah

Editor of Faafiye.com
Host of Faafiye Show
I can be reached by Email at editor@faafiye.com

Share this post