Qarax ka dhacay xeerada Booliska ee Pangani.

Qarax gaari ayaa caawa oo Arbaco ah ka dhacay afaafka hore ee saldhigga booliska Pangani ee magaalada Nairobi.

Madaxa booliska Kenya David Kimaiyo ayaa u xaqiijiyay warbaahinta inay afar qof ku dhimatay qaraxa, kuwaas oo labo ka mid ah ay ahaayeen boolis. Afar qof oo kale ayaa ku dhaawacantay qaraxa.

Wararka ayaa sheegaya inay booliska qabteen gaari ay saarnaayeen labo nin oo watay bambo. Booliska ayaa gaariga iyo nimankii saarnaa u waday saldhigga markii ay bambada qaraxday.

Booliska ayaa qarxiyay bambo laga helay goobta uu qaraxa ka dhacay, sida uu sheegay wasiirka arrimaha gudaha Kenya.

Saldhigga booliska Pangani ayaa ku yaalla meel u dhow xaafadda Eastleigh ee ay Soomaalida ku badan tahay.

Author: Liban Farah

Editor of Faafiye.com
Host of Faafiye Show
I can be reached by Email at editor@faafiye.com

Share this post