Home.Warka

Afhayeenkii madaxtooyada Soomaaliya oo iscasilay.

Like Tweet Pin it Share Share Email

La-taliyihii madaxweynaha ahaana afhayeenkii aqalka madaxtooyada Soomaaliya Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) ayaa Bar-kulan u xaqiijiyay inuu xilkaas iska casilay.

Cabdiraxmaan Yariisow ayaa ka gaabsaday in uu faahfaahin ka bixiyo sababta ka dambeysa iscasilaaddiisa.
Wuxuu sheegay in uusan jirin khilaaf soo kala dhexgalay isaga iyo madaxda sare ee dalka.
Xilka la-taliyaha madaxweynaha iyo afhayeenka madaxtooyada Soomaaliya wuxuu soo hayay muddo 12 bilood ah.
Wuxuu xilal kala duwan ka soo qabtay dowladda Soomaaliya, isagoo noqday wasiirka lacagta iyo wasiirka warfaafinta intii lagu jiray kumeel-gaarka.

Comments (0)

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *