Home.Warka

Malaysia oo xirtay nin xubin ka ah Al-Shabaab.

Like Tweet Pin it Share Share Email

Shabaab-la-xiray-374x300

Ciidanka la-dagaallanka argagixisada ee dalka Malaysia ayaa sheegay inay shalay xireen nin Soomaali ah oo 34 jir ah, oo xiriir la leh Al-Shabaab.

Wargeyska the Star ee ka soo baxa dalka Malaysia ayaa qoray in eedeysanaha xilli sii horreysay lala xiriiriyay fal argagixiso oo ka dhacay Bariga Afrika, waxaana uu si gaar ah ugu diiwaangashanaa booliska adduunka (INTERPOL) oo baadigoob ugu jiray.

Lama shaacin magaca ninka la xiray.

Ku-xigeenka xoghayaha guud ee ciidanka booliska dalka Malaysia, Datuk Seri Mohd  Bakri Zinin ayaa sheegay inay dabagal ku hayaan lix ka tirsan Al-Shabaab oo toddobaadyadii la soo dhaafay tagay dalka Malaysia.

Wuxuu tilmaamay in ninka ay xireen shalay barqadii xilliga Bariga Afrika, ayna su’aalo waydiinayaan si ay ugu ogaadaan xogaha ku saabsan xubnaha ka tirsan kooxda ee ku sugan dalka Malaysia.

Saraakiisha ammaanka ayaa sheegay in xubno ka tirsan Al-Shabaab ay Malaysia ku galaan qaab waxbarasho ama dalxiis.

Comments (0)

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *