Sawirro:- Wiil 17 Ah Oo Carabka Isaka Jaray Si Uu U Helo Nolol Ka Wanaagsan Tan Uu Imika Ku Jiro.

soren_3-216x300

Lalmohan Soren oo ah wiil 17-sannadood jir ah oo u dhashay wadanka Hindiya ayaa carabkiisa ku jaray middi aan af badan laheyn si uu helo nolol ka duwan tan hadda uu ku nool yahay uguna helo duco dhagaxa ay caabudaan ee shiva,

 Dhacdadan ayaa ka dhacday gudaha macbadka Mahedevgarha kaas oo ku yaal tuulada Dugda, ee magaalada Jharkhand halkaasi oo dhiiga carabka wiilka yar lagu shubay madiibad taalay  macbadkan xilli subax hore si uu u guto waajibaadka ducada sida ay aaminsanyihiin dadka daga tuulada Dugda.

 Qabiilkan daga tuuladan kuma cusbo dhacdooyinka noocan oo kale walow in carabka la iska jaraa ay ku tahay mid ugub ayaa hadana waxa ay aamin san yihiin in wiilkan yari uu yahay mid nasiib badan waayo waxa uu dhagaxaa uucaabudo ugu yaboohay xubin muhiim.

 Lalmohan Soren ayaa imika  la nool qoyskiisa asaga oo Waxoogaa ka bogsanaya xanuunka nabarka gaadhay inkastoo aanu hadlin Kareeyn waxa uu quutaana yahay dareere ah dabadeena uu ku farax san waxa uu sameyay uu yahay mid uu rajaynayo inuu helo nolol ka duwan tan imka  uu ku nool yahay.

 Qoyska dhalay wiilkan yar ayaa sheegay in ay aad uga argagaxeen falkaasi balse ay aqbaleen una rajaynayaan wiilkooda inuu ku noolaado nolol ka fiican tan uu imika ku jiro. –

Author: Liban Farah

Editor of Faafiye.com
Host of Faafiye Show
I can be reached by Email at editor@faafiye.com

Share this post