Siilaanyo oo mar kale murashax ah.

Siilaanyo1-300x168

Wasaaradda warfaafinta ee maamulka Somaliland ayaa shaacisay in madaxweynaha maamulkaas ee talada haya, Axmed Maxamed Siilaanyo uu mar kale isu sharrixi doono xilka madaxweynennimo.

Wasiirka warfaafinta ee maamulka Somaliland, Cabdullaahi Maxamed Daahir oo Hargeysa kula hadlay warbaahinta ayaa sheegay in qaanuunka u degsan maamulka uu madaxweynaha fursad labaad u siinayo inuu is sharraxo, uuna sii hayo xilka haddii la doorto mar kale.

Wasiirka ayaa tilmaamay in bulshada ku nool deegaannada maamulka Somaliland ay ku qanacsan yihiin maamulka Siilaanyo oo uu xusay inuu wax badan ka qabtay dhinaca horumarka.

Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa doorasho Somaliland ka dhacday sanadku markuu ahaa 2010-kii waxaa loogu doortay madaxweynaha maamulka ee muddo shan sano ah.

Author: Liban Farah

Editor of Faafiye.com
Host of Faafiye Show
I can be reached by Email at editor@faafiye.com

Share this post