Home.Warka

12 qof oo ku dhimatay dagaalkii Beled-Xaawo.

Like Tweet Pin it Share Share Email

dagaalka-Jubbooyinka

12 qof ayaa la xaqiijiyay inay ku dhimatay dagaalkii maanta oo Talaado ah ka dhacay degmada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo, taliyaha amniga BeledXaawo, Maxamed Wali ayaa Bar-kulan u xaqiijiyay.

Lix qof oo kale ayaa ku dhaawacantay dagaalka oo dhex maray ciidamo ku sugnaa degmada iyo kuwa ka yimid dhinaca degmada Doolow.

Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayaa u badan dhinacyadii dagaallamay, iyadoo khasaaraha shacabka ka soo gaaray dagaalka uu yahay mid kooban.

Xaaladda magaalada ayaa haatan caadi ku soo noqotay, walow ay jirto cabsi ah inuu dagaalka mar kale qarxo.

Comments (0)

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *