Tahriibayaal ku dhintay Liibiya.

tahriibleey

Ugu yaraan 14 qof oo muhaajiriin sharci-darro ahaa ayaa shalay ku geeriyooday badda u dhexeysa Liibiya iyo Talyaaniga, kaddib markii ay la degtay doon ay saarnaayeen sida ay maanta qortay wakaaladda wararka Faransiiska ee AFP.

Ciidamada badda Talyaaniga ayaa sheegay inay badbaadiyeen 200 oo qof oo kale oo la socday doonta oo loo maleynayo inay saarnaayeen dad gaaraya 400 oo qof.

Labo maalin ka hor ayaa 40 qof oo tahriibayaal ahaa waxay ku dhinteen xeebaha Liibiya, kaddib markii ay qalibantay doon ay saarnaayeen.

Muhaajiriinta ugu badan ee sharcidarrada ah ee ka tahriiba xeebaha dalka Liibiya ayaa la sheegay inay ka yimaadaan dalalka Bariga Afrika, gaar ahaan Soomaaliya, Eretria iyo Itoobiya.

Share this post

Post Comment