Home.Warka

Cabsida Ebola oo heerkii ugu sarreeyay ka gaartay Soomaaliya iyo Kenya xilli mas'uuliyiintu dadka u kheyr-sheegayaan.

Like Tweet Pin it Share Share Email

so-kenya-ebola

Iyada oo ay Galbeedka Afrika ugu dhinteen wax ka badan 1,000 fayriiska warjeefka ah ee Ebola, ayay mas’uuliyiinta caafimaadka ee Bariga Afrika iyo Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) waxay qaadayaan tallaabooyin taxaddar ah oo khaas ah si looga hortago faafidda cudurka.

Illaa iyo hadda ayaa cudurka dillaacay ee Ebola waxa uu salkiisu yahay Guinea, Liberia, Sierra Leone iyo Nigeria, sida uu sheegay Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO), oo ka digay Khamiistii (14-kii August) in heerka cudurka saf-mareenka ah aad iyo aad loo sahladay haddana loo baahan yahay in la qaato “jaan-gooyooyin qayrul-caadi ah” oo lagu xakameeyo cudurka.

Iyada oo illaa iyo hadda la diiwaangaliyay 1,069 dhimasho, ayuu WHO sheegay in uu isku duwayo “in si weyn kor loogu qaado jawaabaha caalamka uu ka bixinayo cudurka”.

“Cudruka dillaacay ayaa la filayaa in uu socon doono illaa wakhti,” ayuu yiri. “Qorshaha howlgal ee ay ku jawaabayso WHO waxa uu soconayaa dhowrka bilood ee soo socda.”

Hay’adda caafimaadka kheyriga ah ee Dhakhaatiirta aan Xudduudda Laheeyn (MSF) ayaa sidoo kale sheegay in cudurku uu ku faafayo xawaare ka sarreeya wax ay hay’adaha gargaarku wax ka qaban karaan.

WHO ayaa toddobaadkii hore ku dhawaaqday xaalad degdeg ah oo heer caalami ah — taasoo aad u soo daahday, sida ay qabto MSF, oo bilo ka hor ka digtay in faafidda cudurku uu faraha ka baxay.

“Waxa uu uga sii darayaa xawaare sidii hore ka sarreeya waxana uu ku socdaa xawaare kii hore ka sarreeya marka loo eego jawaabta aan ka bixin karno,” ayay Madaxa MSF International Joanne Liu warfidiyeenka ugu sheegtay Geneva Jimcihii. “Xaaladdu waxa ay u egtahay mid dagaal.”

Kenya iyo Soomaaliya oo halis ku jira

Ma jirto xaalad cudurka Ebola ah oo laga helay Kenya iyo Soomaaliya, laakin dalalkani waxa ay si gaar ah halis ugu jiraan in uu cudurku ka dillaaco sababtoo ah duullimaadyada joogtada ah ee Nairobi uga imanaya qaaradda inteeda kale iyo Sierra Leone oo ah mid ka mida dalalka ciidamada ugu deeqay AMISOM.

Dillaacan ugu dambeeya ee cudurkan ayaa dilay tiradii ugu badneeyd ee dad ah tan iyo markii la aqoonsaday cudurka 1976-kii, laakiin heerka dhimashada dadka cudurku ku dhacayo oo ah 55%, ayaa ka dhigaysa in uunan aheeyn markii uu cudurku ugu dhimashada badnaa, sida ku cad xogta WHO. Markii uu Congo ka dillaacay cudurku 2003-dii ayaa aheeyd markii loogu dhimashada badnaa, oo uu dilay 90% dadkii uu ku dhacay.

Wax tallaal ah malaha fayruuska Ebola mana jirto daawo la yaqaan oo lagu daaweeyo cudurka.

Marka tixgalin la siiyo sida ayan Soomaaliya u lahayeen wax kaabayaal caafimaad ah, ayuu dillaaca Ebola waxa uu saameeyn aad u ba’an uu ku yeelan karaa dalka, sida uu sheegay Xildhibaanka Soomaaliyeed Cismaan Maxamuud Dufle, oo ah dhakhtar ku takhasusay daawada cuddurada jirka gudihiisa ah iyo madaxa guddiga baarlamaanka ee adeegyada caafimaadka.

Sidaa darteed, ayuu sheegay, in ay lagama maarmaan tahay in xukuumadda Soomaaliya biloowdo tallaabooyin taxaddar ah oo looga hortagayo in uu Ebola soo galo dalka.

“Ka hortagga kaliya ee cudurkaan waa in dadka, iyo xoolaha qaba la karaantiilo, oo laga ilaaliyo in ay cudurka gudbiyaan,” ayuu Dufle u sheegay Sabahi. “Ilaa hadda ma jiraan wax baaritaanno ah oo dadka dalka soo galayo lagu sameyo, marka waxaa lagama maarmaan ah in dadka la baaro oo laga qaado dhiigag.”

Waxa uu sheegay in maaddaama Ebola uu ku faafay dalal ay ciidamo ka joogan Soomaaliya, laga yaabo in nabad-ilaaliyayaashu ay cudurka ka keeni karaan dalalkaas haddii la keeno inta uu cudurku faafayo.

Dufle waxa uu sheegay in guddiga adeegyada caafimaadka uu kala shaqeeynayo Wasaaradda Caafimaadka in ay biloowdo dadaallo cusub oolooga hortagayo in uu cudurku dillaaco, si lamida sida ay yeeleen dalal kale oo ku yaal Bariga Afrika sida Kenya iyo Tanzania, kuwaa oo dadka ku baaraya goobaha laga soo galo.

AMISOM iyo Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya oo wadashaqeeynaya

Dhiniciisa, ayuu afhayeenka AMISOM Korneeyl Cali Aadan Xumad waxa uu sheegay in AMISOM ay si dhow isha ugu heeyso cudurka Ebola.

“Waxan go’aansannay in aan dib u dhigno keenitaanka ciidamo July ka iman lahaa Sierra Leone si ay u baddalaan ciidamo dalka joogay muddo sannad ah,” ayuu u sheegay Sabahi.

Intaa waxa dheer, ayuu sheegay, in AMISOM ay baartay ciidamada hadda jooga dalka oo aan midkoodna laga helin fayruuska Ebola illaa iyo hadda.

“Xaaladda caafimaad ee askarta waxa loo hubiyaa si joogto ah ka hor intii ayan Soomaaliya imaanna caafimaadkooda waa la soo baaray,” ayuu Xumad u sheegay Sabahi. “Sidaa darteed, caafimaadkooda waa la hubiyay.”

“Go’aanka ay AMISOM ku gaartay in dib loo dhigo ciidamada ka iman lahaa Galbeedka Afirka waxa uu ka dhashay codsi ka yimid xukuumadda [Soomaaliya],” ayuu yiri Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka iyo Adeegyada Bulshada Maxamed Cabdi Faarax.

Waxa uu sheegay in wasaaraddu ay ka shaqeeynayso qorshe lagu baarayo dadka soo galaya Soomaaliya, gaar ahaan kuwa ka imaanaya aagagga uu cudurku ka jiro.

“Toddobaadka dambe ayaan soo saari donnaa qorshe ku saabsan baaritaanka lagu sameeynayo dadka soo galaya dalka,” ayuu u sheegay Sabahi. Qorshaha waxa uu ka koobanyahay diyaarinta kooxo caafimaad oo u tababaran cudurkaan iyo qaabka Waaxda Socdaalka ee Wasaaradda Aminga Qaranka uga qeyb qaadan karto arrinkaan, ayuu sheegay.

“Dadka qaar waxaa ay isu soo maraan dhowr dal, iyagoo laga yabo in ay asalkii ka soo duuleen dal cudurka ka jiro,” ayuu yiri Faarax. “Marka, Waaxda Socdaalka ayaa gacan ka geysan doonta in la xaqiijiyo qof walbaa meesha uu ka yimid. Sidoo kale, dadka u safraya meelaha uu cudurka ka jiro ayaa qorshe loo dejin doonaa.”

Kenya Airways iyo xukuumadda oo qaadaya tallaabooyin ka hortag

Madaxa Maamulka Sare ee Kenya Airways Titus Naikuni ayaa sheegay in dhammaan rakaabka la socda diyaaradda ee ka imaanaya Sierra Leone, Liberia, Ghana iyo Nigeria looga cabbiri doono heer kulka goobaha ay ka soo dhoofayaan.

Xararad qaade gacanta lagu qaadan karo, gacma-gashi iyo gacma-nadiifiye ayaa la siiyay shaqaalaha Kenya Airways ee ka shaqeeya maddaaradaas, ayuu ku sheegay hadal uu soo saaray 11-kii August.

Intaa waxa dheer, dhammaan rakaabka soo gaara Maddaarka Caalamiga ah ee Jomo Kenyatta ee ka yimaada Galbeedka Afrika iyo Uganda waxa ay isticmaali doonaan albaab gaar ah oo laga soo dago halkaa oo lagu baari doono ka hor inta ayan marin baaritaanka waaxda socdaalka oo ayan ka bixin maddaarka.

Dhiniciisa, ayuu Xoghayaha Golaha Xukuumadda ee Caafimaadka James Macharia waxa uu sheegay in xukuumaddu ay qolol karantiil ka sameeysay Isbitaalka Qaranka ee Kenyatta iyo Isbitaalka Mbagathi lacalla haddii Ebola laga helo Kenya.

Wasaaraddu waxa ay xukuumadda ka raadinaysaa 530 milyan oo shilin ($6 milyan) si loogu fuliyo talloobooyinka ka hortagga, ayuu Macharia ka sheegay shir jaraa’id 13-kii August.

Laakin inkasta oo ay mas’uuliyiintu wadaan laab-qaboojin in dalku aad diyaar ugu yahay in uu maareeyo cudurka haddii uu ka dillaaco dalka, haddana dhalleeceeynta qaar ayaa leh tallaabooyinka la qaaday waafi maaha.

Simon Ontiri, oo ah 35-jir dukaan ku haya xaafadda Kayole ee Nairobi, ayaa su’aalo ka keenay ku dhagganaanta Kenya Airways in ay u duusho Galbeedka Afrika iyada oo uu Ebola halkaa ka jiro.

“Waxay noqonaysaa arrin mucjiso ah in uunan cudurku mar horeba soo gaarin Kenya, sababtoo ah duullimaadyadaas,” ayuu u sheegay Sabahi. “Mararka qaar ka hortagga ayaa ka fiican daaweeynta. Diyaaraddu waa in ay khasaartaa oo ay nolol badbaadisaa.”

Shikanga O-tipo, oo ku takhusasay cudurrada kana shaqeeya Wasaaradda Caafimaadka, ayaa Sabahi u sheegay in soohdimaha iska furan ee Kenya ay caqabadda ugu badan ku hayaan ilaalinta cudurka.

“Waxa laga ayaa in saraakiisha caafimaadka ay fadhiyaan baraha rasmiga ah ee laga soo galo xuduudda, iyaga oo illoowsan in inta badan dadka ay isticmaalaan goobo laga soo tallaabo oo aan rasmi aheeyn si ay uga baxsadaan howlaha baaritaannada,” ayuu yiri, isaga oo intaa ku daray in hadda loo baahan yahay in askar ammaan oo aad u tababaran ay la shaqeeyaan shaqaalaha caafimaadka si ay u ilaaliyaan soohdimaha.

Waxa uu sheegay in xukuumadda ay sidoo kale ku khasban tahay in ay sameeyso barnaamijyo wacyi-galin oo sidii loola dagaallami lahaa cudurka ay si dhow ugala shaqeeyso WHO iyo dalalka dariska ah.

“Dhakhaatiirta iyo kalkaaliyayaasha dalka ayaa soo saaray ogaysiis shaqo-joojin oo ay uga cabanayaan mushaar la’aan [bilaha June iyo July] iyo sidoo kale gaabis ka jira dawooyinka iyo qalabka asaasiga ah,” ayuu yiri Dancan Bwire, oo cilmiga caafimaadka ka barta Jaamacadda Maasai Mara. “Kuwani waa isla saraakhii caafimaad ee ay xukuumaddu uga tiirsaneeyd la dagaallanka Ebola.”

“Ma doonayno in xitaa aan ka fekerno in Kenya laga soo sheego xaalad looga shakiyay Ebola oo ay ku soo beeganto xilli ay shaqaalaha caafimaadku ku jiraan shaqo-joojin,” ayuu  sheegay.

Comments (0)

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *