Madaxa sirdoonka Kenya oo iscasilay iyo Kenyatta oo sheegay in golaha xukuumadda la isku shaandheeyay.

download

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa Khamiistii (14-kii August) sheegay in Agaasimaha Guud ee Adeegga Sirdoonka Qaranka (NIS) Michael Gichangi uu isku casilay “sababo u khaas ah”.

Gichangi waxaa 2006-kii loo magacaabay muddo shan sano ah inuu xilka hayo waxaana loo cusbooneysiiyay 2011-kii.

“Gichangi wuxuu ciidamada difaaca Kenya ka soo shaqeeyay afartan sanadood oo shaqo wanaagsan oo noocyo badan uu ka soo hayay, isagoo oo la dallacsiiyay illaa uu noqday sarreeye gaas,” ayuu Kenyatta ku sheegay hadal uu soo saaray. “Wuxuu kaalintiisa agaasimaha guud ee NIS u fuliyay heellanaan, xilkasnimo iyo si xirfadeeysan, taas oo uu waddankeenu ku mahadinayo.”

Kenyatta ayaa raaciyay inuu ka codsaday Gichangi inuu xilka sii hayo illaa baddalkiisa la helayo.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale shaaciyay isbaddalo kale oo shaqaale, oo ay ku jiraan isku shaandheeynta siddeed xoghayeyaal joogto ah, kuwaas oo ay ka mid yihiin Mutea Iringo oo laga baddalayo Wasaaradda Arrimaha Gudaha lana geynayo Wasaaradda Difaaca iyo Monica Juma oo la geynayo Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

Madaxa Shaqaalaha Dawladda Francis Kimemia ayaa sidoo kale la geeyay jago ka awood yar tiisii hore oo laga dhigay Xoghayaha Golaha Wasiirrada, Daily Nation-ka Kenya ayaa wariyay.

Kenyatta ayaa sheegay in isbaddaladu ay lagama maarmaan u yihiin in la hagaajiyo bixinta adeegyada iyo “in la isku toosiyo qeybinta xilalka ee dawladda”.

Kenyatta ayaa sidoo kale sheegay in Wasiirkii Maaliyadda ee hore Njeru Githae uu noqonayo Safiirka cusub ee Kenya u jooga Maraykanka, kaas oo buuxinaya jago bannaaneeyd muddo sannad ah.

Author: Liban Farah

Editor of Faafiye.com
Host of Faafiye Show
I can be reached by Email at editor@faafiye.com

Share this post