Home.Warka

Jaamacadda SIU oo soo bandhigtay maydad loogu talagalay inay ardaydu ku tababarato.

Like Tweet Pin it Share Share Email

images

Jaamacad ku taalla magaalada Muqdisho oo lagu magacaabo Somali International University (SIU) ayaa maanta soo bandhigtay maydad gaaraya shan oo ay ka heshay jaamacadda Kenyatta University ee dalka Kenya.

Jaamacadda SIU ayaa ugu talagashay inay ardayda kulliyadda caafimaadka ku barato qaliinnada iyo qaab dhismeedka jirka bini’aadamka.

Munaasabad lagu soo  bandhigay maydadka ayaa waxaa ka qeyb-galay wasiirro ka tirsan dowladda Soomaaliya oo uu ku jiro wasiirka hiddaha iyo tacliinta sare, Ducaale Aadan Maxamed.

Maamulaha jaamacadda SIU, Prof. Yaxya Ibraahim Cali ayaa sheegay inay jaamacaddu dadaal xooggan u gashay sidii ay u heli lahaayeen maydad ay ku tababartaan ardayda jaamacadda si loo helo dhaqaatiir tayo leh.

Wasiirka tacliinta sare ayaa soo dhoweeyay tallaabada, wuxuuna sheegay inay tahay mid dhiirri-gelin u ah ardayda Soomaalida ee wax ka baranaysa jaamacadaha dalka.

Comments (0)

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *