Home.Warka

Xasilooni xumi kajirto Magaalada Ferguson Gobalka kansas USA

Like Tweet Pin it Share Share Email

ferguson

Xasilooni xumo kajirto Magaalo kamida ah magaalooyinka Mareeykanka oo lamagac baxday Ferguson oo katirsan Gobolka Kansas ee cariga Mareeykanka Halkaas oo uu ka taagan yahay rabshado aan weli degin.

 

Rabshadahaas ooka biloowday wiil yar oo sideed iyo toban jir ah oo loogu yeeri jiray Big Mike wuxuuna ka dhashay dadka madoow ee Mareeykanka ah lagana tirada badan yahay. askariga toogtay oo magaciis oo hada lasoo cadeeyey looguna yeero Darren Wilson oo ahaa lix sano ciidamada Booliska magalaadaas ferguson ayaa ahaa askarigii toogtay wiilka yar kuna dhuftay lix xabadood si arxan daro ah ugu dhuftay wiilka sideed iyo toban jirka ah kadib markii askraiga ku yiri big Mike iyo saaxiibkii laamiga dhexdiisa haku soconina ee dhinac uga beeyra laamiga ayaa waxaa askariga usoo dhacay radio ga in la dhacay meel sandaqad gaaska lagu gado .

askarigii wuxuu cabiray tilmaantii radio ga lagula soo hadlay dadkii waxa dhacay iyo tilmaantii lasoo siisay ula ekaadeen wiilasha uu yiri Laamiga ka baxa. markaas ayaa wada hadal kadib waxaa biloowday in rasaas lagu furo labada wiil mid kamida eey ku dhacday lix xabdood kuna naf baxay isla goobta. ilaa hada meeysan degin rabashadahaas waxaana hada lagu soo daayey magaalada ferguson ciidamada dagaalka ee loo yaqaan National Guard ka ineey nabada ka aslaaxiyaan magaaladaas.

Comments (0)

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *