Hoggaamiye burcad-badeed Soomaaliyeed oo lagu xidhay Muqdisho.

burcadbadeed1

Ciidamada ammaanka Soomaaliya ayaa Isniintii (18-kii August) Muqdisho ku qabtay hoggaamiyaha burcad-badeeddka Maxamed Cusmaan Maxamuud, oo sido kale loo yaqaano Maxamed Garfanje, Goobjoog News-ta Soomaaliya ayaa warisay.

Maxamuud waxaa la qabtay goor weerar lagu qaaday guri uu joogay. Bilayska ayaa sheegay in dhawr qof oo kale la qabtay, oo uu ku jiro taliyaha burcad-badeeddka Maxamed Daahir Faarax Qooleey. Tuhmanayaashu waxay hadda ku jiraan gacanta bilayska.

Ciidamada ammaanku waxay weerarka ku soo qabteen hub iyo rasaas, oo ay ku jiraan madaafiic, kan oo qeyb ka ah hawl-gal magaalada oo dhan hubka looga dhigayo.

Author: Liban Farah

Editor of Faafiye.com
Host of Faafiye Show
I can be reached by Email at editor@faafiye.com

Share this post