Home.Warka

Lix Wadan ooka shiraya Qaxootiga Soomaaliya

Like Tweet Pin it Share Share Email

Qaxooti

Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya waxaa maanta ka furmaya shir looga hadlayo arrimaha qaxootiga Soomaalida.

Shirkan oo lix geesood ah ayaa waxaa ka qeyb galaya dowladda Soomaaliya iyo 5-ta dal ee marti galiyay qaxootiga Soomaalida, dalalkaas oo kala ah Kenya, Itoobiya, Jabuuti, Uganda iyo Yeman.

Shirkan oo loogu magac daray xal u helidda arrimaha qaxootiga Soomaalida ayaa waxaa hindisay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR.

kala Soco Faafiye Shirka go’aankii kasoo baxay Mustaqblka dhaw.

Comments (0)

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *