Ra'iisul-wasaaraha oo Booqday Dhadhaab.

RAS

Ra’iisul-wasaaraha Somalia, Cabdiweli Sheekh Axmed iyo wafdi uu horkacayo ayaaa maanta booqasho saacaddo qaadatay ku tagay xeryaha Dhadhaab ee dalka Kenya oo ay ku jiraan in ku dhow 4 boqol oo kun oo qaxooti Soomaali ah.

Ra’iisul-wasaaraha oo noqonaya mas’uulkii ugu sareeryey ee dowladda Somalia ka socda ee booqda qaxootiga ayaa soo arkay xerada Ifo 1 iyo xaruun caafimaad iyo dugsi halkaasi ku taalla, wuxuuna la kulmay qaar kamid ah qaxootiga.

Wareysi uu siiyay VOA Ra’iisul-wasaare Cabdiweli ayuu kaga hadlay wixii uu Dhadhaab ku soo arkay.

Cabdiweli Sheekh oo noqonaya mas’uulkii ugu sareeyay ee dowladda Somalia ka socday oo booqda Dhadhaab ayaa booqashadiisu la xiriirtay u kuurgalida xaaladda Qaxootiga. Wareysi uu siiyay VOA, ayuu Ra’iisul-wasaare Caliweli wuxuu sheegay in qaxootiga uu ku soo arkay xeryaha Dhadhaab ay yihiin kuwa doonaya inay dalkii ku noqdaan.

Waraysiga oo dhamaystiran ka dhegayso qaybta hoose ee boggan.

Author: Liban Farah

Editor of Faafiye.com
Host of Faafiye Show
I can be reached by Email at editor@faafiye.com

Share this post