Xukuumadda Soomaaliya oo fidinaysa barnaamijka abaal-marinta lacageed ee macluumaadka ku saabsan al-Shabaab.

mogadishu-shabaab-police

Taniyo markii ay Wasaaradda Amniga Qaranku bilowday inay lacag abaal-marin ah ku siiso muwaadiniinta soo sheegidda macluumaadka al-Shabaab, ayaa laga hortagay toban weerar oo ka dhici lahaa Muqdisho labadii bilood ee la soo dhaafay, siday sheegeen mas’uuliyiinta wasaaradda.

Iyadoo lagu saleeynayo guusha barnaamijka lacagta abaal-marinta ah, ayay wasaaraddu sheegtay inay sii wadayso inay lacag abaal-marin ah siiso dadka xogta soo sheega.

“Barnaamijka waxaa hormuud ka ah wasaaradda, laakiin waa wax uu maamulku ka warhayo waana uu soo dhoweeyay oo dhiirri galiyay,” ayuu afhayeenka xukuumadda Soomaaliya Ridwaan Xaji Cabdiweli u sheegay Sabahi. “Waa tallaabo wanaagsan, oo muujinaysa horumar aad u weyn. Waxaan rajeeyneeynaa inaan sii xoojinno [barnaamijka] iyo dadaalkii kale ee loogu talagalay in looga hortago dambiileyaasha.”

Cabdiweli ayaa u dammaamad-qaaday muwaadiniinta in xogta ku saabsan shakhsiyadda dadka macluumaadka soo gudbiya aan la sheegi doonin iyo intuhmanayaasha argagixisonimada aan la siidayn doonin iyagoo aan hannaanka sharciga la marin. Wuxuu sheegay in ay tahay in shacabku uu ku qanco dadaallada xukuumadda ee ku aaddan ilaalinta ammaanka iyo raadinta caddaaladda.

Mas’uuliyiinta dawladda ayaa ka gaabsaday inay sheegaan inta ay tahay lacagta abaal-marinta lagu bixiyay.

“Sababo dhowr ah dartood, diyaar uma nihin inaan sheegno [tirada] lacagta aan bixinayno, laakiin waa abaal-marin sarreeysa,” ayuu afhayeenka Wasaaradda Amniga Qaranka Maxamed Yuusuf Cusmaan u sheegay Sabahi. “Shakhsiga la siiyo abaalmarinta waa qof keena macluumaad horseeda xadhigga qof dambiile ah ama qabashada hub sharci darro ah.”

Korneeyl Daahir Timacadde oo ka hawlgabay millatariga Soomaaliya ayaa soo dhoweeyay dadaallada Wasaaradda Amniga Qaranka, laakiin waxa uu shaki ka muujiyay awooddeeda ay ku sii wadayso bixinta abaal-marinnada.

“Tani ma ahan markii ugu horreeysay ee aan maqalno waxay xukuumaddu abaal-marin siinaysaa dadka soo sheega xog ku saabsan falalka halista ku ah ammaanka, waxayna ila tahay waa in shacabka lagu wacyigaliyaa sida ay dhammaantood uga qeyb qaadan lahaayeen [sugidda] ammaanka maaddaama ay tahay naftooda iyo hantidooda waxa la ilaalinayo,” ayuu u sheegay Sabahi.

“Laakiin diidmada Wasaaradda Amniga Qaranka ee inay faahfaahin dheeraad ah ka bixiso [caddadda] lacagta la siinayo dadka soo sheega xogta sirdoonka ee al-Shabaab ayaa muujinaysa in barnaamijkan lagu degdegay,” ayuu yidhi.

Timacadde ayaa ku boorriyay wasaaradda inay hubiso inay ka soo baxdo ballan-qaadkeeda oo ay lacagta abaal-marinta ah siiso muwaadiniinta waqtiga iyo dadaalka badan galiya ka hortagga falalka argagixisonimo.

‘Hal meel ha looga soo jeesto al-Shabaab’

Shamso Maxamed, oo ah 27-jir deggan degmada Xamar Weyne ee Muqdisho, ayaa sheegtay in barnaamijka abaal-marinta uu yahay tallaabo wanaagsan oo loo qaaday jidka toosan maaddaama sida looga adkaanayo al-Shabaab ay tahay inay xukuumaddu xidhiidh dhow la yeelato muwaadiniinta doonaya inay soo sheegaan xogta sirdoonka.

“Haddii ay Wasaaradda Amniga Qaranka ee Soomaaliya sii waddo inay bixiso abaal-marintan, dad badan oo aan shaqo heysan ayaa ka faa’iidaysanaya fursadda ah inay u soo basaasaan dawladda oo ay u soo sheegaan xogta al-Shabaab,” ayay u sheegtay Sabahi, iyadoo intaa ku dartay in al-Shabaab ay adeegsato abaal-marin lacageed oo taa la mid ah si ay u soo jiidato dad uga soo jaajuusa dawladda.

Shamso ayaa ugu baaqday shacabka inaysan u arkin abaal-marinnada kuwo loogu adeegayo dano khaas ah, laakiin dadaal guud oo dadka dalka looga ilaalinayo argagixisonimada.

Warsame Cali, oo ah oday-dhaqameed 51-jir ah oo ka soo jeeda Muqdisho, ayaa sheegay inuu soo dhoweeynayo dadaal walba oo lagu ilaalinayo shacabka Soomaaliyeed.

“Oday dhaqameed ahaan, waxaan ugu baaqayaa shacabka Soomaaliyeed inay ka wada shaqeeyaan ilaalinta ammaanka caasimadda, Muqdisho,” ayuu u sheegay Sabahi.

“Haddii aan ku guuleeysanno inaan si wadajir ah u sugno ammaanka Muqdisho, waxaa xaqiiq ah inaan tusaale wanaagsan u noqon karno dadka gobollada kale ee dalka si ay noogu daydaan oo ay hal meel uga soo wada jeestaan al-Shabaab,” ayuu yidhi.

Shukri Maxamed oo joogta Muqdisho ayaa ka qeyb qaadatay warbixintan.

Author: Liban Farah

Editor of Faafiye.com
Host of Faafiye Show
I can be reached by Email at editor@faafiye.com

Share this post