Madaxweyne Xasan oo ka qeyb galay caleema saarka madaxweynaha cusub ee Turkiga.

TURKISH-2Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa magaaladda Ankara ee dalka Turkiga uga qeyb-galay xafladda caleema-saarka madaxweynaha cusub ee dalkaas Recep Tayyip Erdoğan.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa wuxuu ka mid ahaa madaxda caalamka ee lagu casuumay ka qeyb-galka xafladda caleema-saarka.

Madaxwaynaha dalka Turkiga, Recep Tayyip Erdogan ahna Raisul wasaarihii hore ee dalkaasi ayaa maanta magaaladda Ankara loogu dhaariyay xafiiska madaxwaynaha Turkiga kadib markii uu ku guulaystay doorashadii madaxtinimada ee dhawaan ka dhacday dalkaas.

Erdogan oo da’diisu tahay 60 sano ayaa xilka madaxweynaha Turkiga sii hayn doona afarta sano  ee soo socota.

Madaxweynaha cusub ee dalka Turkiga,  Recep Tayyip Erdogan,  ayaa waxaa lagu xasuustaa xilligii uu reysul wasaaraha ahaa kaalintii weyneyd ee uu ka qaatay gurmadkii loo sameeyay shacabka Soomaaliyeed sanadkii 2012-kii, xilligaas oo macluul  ba’an ay ka jirtay Soomaaliya iyo booqashadii tariikhiga ahayd ee uu ku tagay magaaladda Muqdisho.

Share this post

Post Comment