9 qof oo ku geeriyootay dagalo ka dhacay Saaxdheer.

Saaxdheer

Ugu yaraan sagaal qof ayaa ku geeriyootay dagaal Khamiistii shalay deegaanno ka tirsan Waqooyiga Soomaaliya ku dhex maray ciidanka maamulka Somaliland iyo kuwa maamulka Khaatumo, sida ay qortay wakaaladda wararka Reuters oo xiganaysa dadka deegaanka.

Dagaalka ayaa la sheegay in ay ku dhaawacmeen toban  qof oo kale, sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Dagaalka ayaa ka dhacay deegaanka Saax-dheer oo 70 km dhanka koonfur-Galbeed uga beegan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, halkaas oo lagu waday in ay ka dhacdo xafladda caleemo-saarka madaxweynaha cusub ee maamulka Khaatumo Cali Khaliif Galeyr.

Somaliland ayaa rumeysan in deegaannada maamulka Khaatumo ay ka tirsan yihiin dhulka uu ka arrimiyo maamulkeeda, iyada oo dhowr goor oo hore ciidanka Somaliland ay weerar ku qaadeen deegaannada gobollada Sool iyo Sanaag.

Share this post

Post Comment