Soomaaliya oo dacwad u gudbisay Maxkamadda Qaramada Midoobay.

meritme

Dowladda Soomaaliya ayaa maxkamadda sare ee Qaramada Midoobay ka dalbatay in go’aan ka gaarto xadduudda Badda Soomaaliya ay la wadaagto dalka deriska la ah ee Kenya.

Soomaaliya ayaa dacwadda u gudbisay maxkamadda caalamiga ee caddaaladda, Khamiistii shalay,si labada waddan ay u aqoonsadaan xudduudda sax ah ee ay kala leeyihiin xalna loogu helo muranka taagan, sida ay qortay wakaaladda wararka ee AP.

Codsiga ay Soomaaliya u gudbisay maxkamadda ayaa dhigaya in labada waddan ay ku muransan yihiin halka ay ku taallo xuduudda badaha labada dal, isla markaana dedaallada diblumaasiyadeed ay ku guul darreysteen in ay heshiis ka gaaraan arrinta.

Go’aan ka yimaada maxkamadda Hague ee la xiriira guddiga garsoorka ee Qaramada Midoobay ayaa noqonaya midka ugu dambeeya ee xal loogu heli karo muranka xudduud badeedka ee ka dhex aloosan Soomaaliya iyo Kenya.

Author: Liban Farah

Editor of Faafiye.com
Host of Faafiye Show
I can be reached by Email at editor@faafiye.com

Share this post