Home.Warka

Obama: Waan la dagaalamaynaa ISIS

Like Tweet Pin it Share Share Email

Barack ObamaMadaxwaynaha Maraykanka ayaa balan qaaday in wadan kiisu uu qaadi doono hawlgal millitari oo xiriir ah si ay u wiiqaan una baabi’iyaan malayshiyada Khilaafada Islaamiga ah.

Isaga oo ka hadlaya khudbad uu Talafeshinka ka jeediyay Obama, waxa uu sheegay in Maraykanku uu hogaamin doono xulafo wayn oo ka soo horjeeda ururkaasi.

Ururkaasi oo maamula qaybo badan oo ka mid ah Ciraaq iyo Suuriya. Madaxwaynuhu waxa uu markii u horaysay amray in diyaaradaha Maraykanku ay duqaymo ka gaysan karaan gudaha Suuriya iyaga oo baacsanaya xoogagga khilaafada Islaamiga ah.

Xoghayaha arimaha dibadda ee Maraykanka John Kerry, ayaa maanta kulan la yeelan doona qaar ka mid ah Madaxda Suniga ah ee wadamada Carabta, madaxdaas waxaa ka mid noqon doona boqorka Sucuudiga iyo kan Jordan. Kulan kaasina waxa uu ku saabsan yahay sidii uu taageero ugu raadin lahaa qorsha Madaxwayne Obama.

Comments (0)

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *