Ciidamada oo howlgallo dheeraad ah ka wada Muqdisho

851C7F23-B252-4456-99F1-80A4878A57CC_mw1024_s_n

Howlgallo ay ciidamadu ka sameeyeen Muqdisho xalay ilaa saaka ayaa lagu soo qabtay dhallinyaro loo heysto ineey ka tirsanyihiin malleeshiyaadka Al-shabaab.

Ciidamada oo xalay ilaa saaka howlgallo dheeraad ah oo lagu adkeeynayo amniga ka waday waddada Maka Al-Mukarama ayaa waxa ay soo qabteen 13 dhalinyaro ah.

Maxamed Daahir Cabdulle oo ah taliyaha saldhigga degmada Hodan ayaa sheegay in howlgalkani lagu xoojinayo ammaanka caasimadda, isagoo tilmaamay in ciidamadu ay gacanta ku soo dhigeen 13 dhalinyaro ah oo la rumeysanyahay ineey ka mid yihiin argagixisada Als-shabaab.

Taliyaha ayaa intaa ku daray in dhallinyaradaasi lagu hayo saldhigga degmada Hodan oo su’aalo lagu weydiinayo.

“Booliiska waa shaki ku nool, qofkii aan ka shakino socodkiisa qaabkiisa waan soo qabanaynaa, laakiin qofkaas cadaalad ayuu helayaa hadii dambi lagu helo sharciga ayaa lagu qaadayaa, kii aan dambi laheyna waa lasii deynayaa, waxaan soo qabanay 13-ruux baaris ayaana ku socota”Sidaasi waxaa yiri taliyaha saldhiga Booliska ee degmada Hodan.

Dhanka kale howlgallo dheeraad ah ayaa ka socda Muqdiisho, iyadoo saaka la arkayay ciidamo farabadan oo la soo dhigay waddooyinka muhiimka ah eee magaalada Muqdisho

Howlgalkan ayaa qeyb ka ah qorshaha dowladu ku xaqiijineyso ammaanka caasimadda Muqdisho

 

Share this post

Post Comment