Home.Warka

BANAAN BAX LOOGU MAGAC DARAY BADWEEYNTA HINDIYA

Like Tweet Pin it Share Share Email
somalia476
Banaanbaxaan uu soo qaban qabiyay Maamulka Gobolka Banaadir oo Kashanayo Shacabka Gobolka ayaa Saakay waxa uu ka dhacay Fakaraha Daljirka Daahsoon ee Degmada Boondheere.Banaanbaxaan ayaa ahaa mid uu Gobolka Banaadir ku taageerayo Howl galka ay Dowlada ugu Magac dartay Bedweynta Hindiya ee ka socda Qaar ka mid ah Gobolada Dalka waxana ka soo qeyb galay Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka banaadir, Ururada Haweenka iyo Gudoomiyasha Degmooyinka.

Canab Xasan Cillmi Gudoomiye ku Xigeenka Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed oo Banaanbaxa ka hadashay ayaa sheegtay in Haweenka Soomaaliyeed ay diyaar u yihiin in ay ka shaqeeyaan Nabada ayna taageeryaan Howlgalka Bedweynta Hindiya.

Sidoo kale waxa banaanbaxa ka hadlay Afahayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Cali Maxamuud Faarax Cali Seeko waxa uuna u Mahad celiyay Haweenka Gobolka Banaadir.

5-September ayay ahayd markii Banaanbax noocaan oo kale ah uu soo qaban qabiyay maamulka Gobolka Banaadir laguna taageeraayay Howlgalka Bedweynta Hindiya ka dhacay Xarunta Gobolka Banaadir waxana ka soo qeyb galay Banaanbaxaasi Wasiiro ka tirsan Xukuumada Soomaaliya iyo Saraakiisha Ciidamada Dowlada Soomaaliya.

 

Comments (0)

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *