Home.Warka

Madaxweyne Xasan oo Kismaayo gaaray

Like Tweet Pin it Share Share Email

hassan-sheikh-mohamud

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxmauud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa  saakey gaaray  magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Madaxweynaa ayaa ka qeyb galay furitaanka shirka dib-u-heshiisiinta bulshada ku nool gobollada Jubada Heese, Jubbada Dhexe iyo Gedo oo ka furmaya magaalada Kismaayo.

Maamulka Kumeel-gaarka ah ee Jubba ayaa qaban qaabiyay shirkaan oo ay dowladda dhexe ku leedahay dowr. Dhawaan dowladda Soomaaliya ayaa ku guuleysatay inay isu keento dhinacyadii isaga soo horjeeday maamulka Jubbooyinka.

Qeybaha kala duwan ee bulshada iyo masuuliyiinta maamulka kumeel-gaarka ah ee Jubba ayaa u diyaar garoobaya soo dhaweynta madaxweynaha iyo wafdigiisa sida uu ku soo warramayo Maxamed Xasan Xiis oo ka tirsan Radio Muqdisho.

Wixii warar ah ee ku soo kordha waan idiin soo gudbin doonnaa hadduu Alle idmo.

Comments (0)

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *