Ra’iisul wasaaaraha oo gaaray London

Raiisul_wasaaraha_cusub_ee_Somalia_4

Ra’iisul wasaaraha Dowlada Federaalka mudane Cabdiwali Sheekh Axmed iyo wafdi wasiirro ah oo uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada London ee caasimada dalka Britain.

Ra’iisul wasaaraha ayaa halkaasi   uga qeyb galaya  shir looga hadlayo tayaynta ciidamadda qalabka sida ee Soomaaliya.

Wafdiga  Ra’iisul Wasaaraha waxaa ka mid ah Wasiirka Difaaca Mudane Maxamed Sheekh Xasan “Xaamud” Wasiirka Warfaafinta Mudane Mustaf Sh. Cali Dhuxulow iyo xubno kale.

Ra’iisul Wasaare Cabdiweli ayaa inta uu joogo Britain la kulmaya saaxiibada horumarinta ee Soomaaliya iyo jaaliyadda Soomaaliyeed ee halkaasi ku dhaqan.

Share this post

Post Comment