TODOBO RUUX OO U AFDUUBAN BURCAD BADEEDA SOOMAALIDA OO LA DALBADAY IN LASII DAAYO

Maxkamada sare ee dalka India ayaa dalbatay in la xaqiijiyo xaalada ay ku jiraan dad la heystayaal ah oo u dhashay dalka India kuwaasi oo gacanta ugu jiro kooxaha burcad badeeda Soomaalida.

 

5b0331bf3dbcf9439248a2f2d6639754 Maxkamada sare ee dalka India aya weydiisatay midowga dowlada inay hubiso qaabka ugu wanaagsanoo hayadaha caalamka ay ku xaqiijinayaan sii deynta muwaadiniinta u dhalatay dalka India.
 
Qaadi u hadlay maxkamada sare ee dalka India ayaa soo bandhigay xaalad aan wanaagsaneyn oo ay ku jiraan todobo ruux oo u dhashay dalka India oo muddo afar sano gacanta ugu jiro kooxaha burcad badeeda Soomaalida.
 
Maxkamada waxay kaloo sheegtay in dhaqaalaha ay saameyn ku yeesheen kooxaha burcad badeeda Soomaalida , waxaana la sheegay in guulo laga gaari lahaa ganacsiga dunida, haddii lga adkado kooxaha burcad badeeda.
 
Markabka ay la socdeen dadkaasi u dhashay dalka India oo lagu magacaabo MV Asphalt Venture ayaa waxaa ka dul bananayay calanka dalka Panama, waxayna kooxaha burcadbadeeda ay afduubteen bishii September 29.2010 waxaana la socday xiligaasi doonida 15 badmaaxiin ah.
 
Dooni ay la socdeen 8 badmaaxiin Hindi ah ayaa la sii daayay bishii April 16, sanadkii 2011, laakiin waxaa wali kooxaha burcad badeeda gacanta ugu jiro todobada u dhalatay dalka India.

Share this post

Post Comment