Home.Warka

Wada Tashi ka dhacay Magaalada Jowhar.

Like Tweet Pin it Share Share Email

somalia-elders-beletweyne

Qeeybaha kala duwan ee bulshada iyo maamulka gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa kulan wada tashi ah ku yeeshay magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe.

Shirkaan ayaa looga hadlay siyaasadda iyo hannaanka maamul ee mustaqbalka gobolka Shabeelaha Dhexe ayadoo ka qeyb galayaashu ay ka doodeen sida uu gobolka uga mid noqon karo hannaanka federaalka ee waddanka.

Guddoomiyaha gobolka Shabeelaha Dhexe Cali Guudlaawe oo ka hadlay shirka ayaa soo dhaweeyay dadaalkaan ay bulshadu sameynayaan, isagoo tilmaamay in rabitaanka shacabka uu noqon doono midka uu maamulku ku shaqeyn doono.

Gobolka Shabeelaha Dhexe waxaa ku soo laablaabtay fatahaado iyo colaado u dhaxeeya beelo, ayadoo dhawaan loo magacaabay maamul cusub oo heer gobol ah.

waan idiin soo gudbin doonaa qodobadii kasoo baxay shirka.

Comments (0)

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *