Home.Warka

Booliska Uganda oo qabtay gaari waxyaalaha qarxa saaran yihiin

Like Tweet Pin it Share Share Email

dynamite

(Kambala) Booliska wadanka Uganda ayaa maanta shaaca ka dhigay inay qabteen gaari ay ka buuxaan walxo qarxa oo la doonayay in lagu qarxiyo meel ka mid ah magaalada caasimada ah Kampala.

Wargeyska New Vision ee Uganda kasoo baxa ayaa qoray xog uu booliska kasoo xogtay oo sheegay in howlgal ay ciidamadu sameeyeen ay gacanta ku dhigeen gaari lagu xiray waxyaabo qarxa oo ay boolisku ku sheegeen in la doonayay in lagu qarxiyo xarun muhiim ah oo Kampala ku taala sida warkaan lagu yiri.

Booliska Uganda waxay sheegeen in gaariga la qabtay oo noociisu yahay Tayota Noha kana diwaan gashan dalka koofur Sudan in la qabtay waxaana lagu qabtay darawal Soomaali ah oo magaciisa lagu sheegay Aadan Garaar.

Xarakadda Al-Shabab ayay ku eedeeyeen inay qorshahaan waday waxaana boolisku intaa ku darayaa inay baarayaan in muwaadinka Soomaaliyeed ee gaarigaan lagu qabtay uu ka tirsanyahay Al-Shabab iyo in kale iyo inuu sidoo doonayay inuu is qarxiyo.

Dhawaan booliska Uganda waxay sheegeen inay ka hortageen oo ay fashiliyeen weeraro Al-Shabab la maaganaayeen dalkaasi Uganda isla markaana ay xir xireen dad ay Al-Shabab uga shakiyeen.

Xarakadda Al-Shabab oo iyana mar ka hadlay hawlgalada ciidamada Uganda caasimadooda ka wadaan waxay ku beeniyeen inaysan jirin wax weeraro ah oo laga fashiliyay oo aysanba isku dayin inay Uganda weeraraan.

Comments (0)

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *