Dowlada Somalia oo wada hadal kula jirta Kenya sidii dib loogu celin lahaa Qaxooti Somali ah

Somali-refugees-007

Danjiraha u Jooga dalka Kenya Maxamed Cali Nuur Americo ayaa beeniyay in dowlada Somalia ay qaadacday kulamo isdaba joog ah oo looga doodayay dib u celinta qaxootiga Soomaalida dalkaasi Kenya ku nool, waxa uu yiri “waan la soconay dhamaan kulamadaasi”.

Kenya ayaa ku andacootay in Somalia aysan ka qeyb galin kulanka 3-da gudi ee loo saraay dib u celinta Soomaalida Kenya, hadalkaasi ayaa safiirka waxa uu sheegay isagoo howlo Caafimaad u jooga dalka Canada.

Warbixintaan ayaa waxaa lagu daabacay Jariidada the Star ee kasoo baxda dalka Kenya.

Americo ayaa sheegay in goobaha la doonayo in qaxootiga lagu celiyo ay tahay weli kuwo aan Amni aheyn oo ay welwel ka qabaan, Hey’adda QM Arimaha Qaxootiga ayaa sheegtay in ay hor u socod lahayd arimaha dib u celinta balse hada xoogaa gaabis uu jiro.

Bar malyuun dad Soomaali ah ayaa ku jira xeryaha qaxootiga dalkaasi Kenya, kuwaa oo hadii ay Dowladaha Somalia iyo Kenya oo ay la Jirto UNHCR isku afgartaan lagu soo Celinayo Soomaaliya.

Author: Liban Farah

Editor of Faafiye.com
Host of Faafiye Show
I can be reached by Email at editor@faafiye.com

Share this post