Magaalada Jowhar oo webiga maraa fatahaad sameeyey

mahaday3

Saakay Webiga Shabeelle ayaa waxaa uu Fatahaad ka sameeyay Xaafad ka mid ah Magaalada Jowhar, taasoo lagu magacaabo Horseed, dadka deegaanka ayaa noo sheegay in ay baqdin xoog leh soo wajahday.

Baqdinta Fatahaad uu Webigu ka sameeyo Jowhar ayaa ahayd mid waayahanba taagneyd, Xaafada Kulmis ee magaalada Jowhar waxaa maalin ka hor uu Webigu kusoo shubay Biyo Siimow ah, oo Dhulka Hoostiisa kasoo baxaya.

Deegaano ka tirsan Gobolka Shabeelaha dhexe ayuu Webigu Fatahaad ka sameeyay waxaana ugu dambeysay, deegaanka Xawaadley oo hoostaga degmada Balcad, Halkaas Fatahaada uu Webigu ka sameeyay waxaa ka dhashay qasaare soo gaaray Beeraleyda, biyaha uu dhigay meelaha qaar ayaa sababay Cuduro ay ka mid tahay Duumadu.

Qof ka mid ah dadka magaalada oo saakay la hadlay Keydmedia Online ayaa inoo sheegay in Biyaha manta uu Webigu Fatahay ay kasii baqdin badantahay Cabsida laga qabo Roob ka da’a magaalada kaasoo ay ka dhalan karto in Webigu buux dhaafo oo uu Biyaha Xakameyn waayo. waxaa mida kale baqdin laga qabaa sida masaska iyo yaxaaska ineey dadka degaanka dhibaato soo gaarsiiyaan.

Share this post

Post Comment