KENYA DAN GAAR AH KAMA LAHA SOOMAALIYA

Kenyan-troops--007

Ergayga gaarka Ee Urur Goboleedka IGAD u qaabilsan Soomaaliya Mahamed Abdi Afey oo la hadlayay Wargeyska The Standard ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay in Dowlada Kenya dano gaar ah ka leedahay joogitaanka Soomaaliya iyo waliba dhismaha maamulka goboleedka Jubba.

Ambassador Afey ayaa sheegay in si qaldan loo fasirtay joogitaanka Ciidamada Kenya Soomaaliya,isagoona Jaahilnimo ku tilmaamay qofka aan dooneyn inay nabad ka dilaacdo dalka ay dagaalada la dageen ee Soomaaliya.

Isagoo sii hadlayay ergayga gaarka ah Urur Goboleedka IGAD uqaabilsan Soomaaliya ayuu ku sheegay shirka dib u heshiisiinta ee Bulshada degta Gobolada Gedo,Jubada hoos iyo Jubadda dhexe kaga fumay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose inuu yahay mid la doonayo in isku aragti laga noqdo mad madowga ka dhex jira beelaha halkaasi wada dega looguna qumi lahaa hanaanka dib u heshiisinta ay hormuudka ka tahay Dowlada Federaalka Soomaaliya.

Wuxuu hoosta ka xariiqay Mr Afey in Maamulka Jubba uu qeyb yahay maamul goboleedyada ka jira Soomaaliya.

“Waa dadka reer Jubba Land waxa doonaya inay maamul sameystaan,IGAD ahaan waxaan u hambalyeyneynaa dadka u xusul duuban inay ku midoobaan Jubba Land”,ayuu yiri Wakiilka gaarka ee Urur Goboleedka IGAD u qaabilsan Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in IGAD ka qeyb qaadaneyso sidii hub ka dhigis loogu sameyn lahaa Maleeshiyaadka daaacada u ah Barre Aadan Shire Bare Hiiraale si ay kaga qeyb qaataan shirka dib u heshiisiinta.

Hadalkaan ka soo baxay IGAD ayaa ku soo aadaya xilli madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu daaha ka rogay shirka dib u heshiisiinta Bulshada ku dhaqan Jubbooyinka,waxaana tan iyo furitaankii shirkaasi soo baxay dhaliil iyo amaan ku wajahan shirkasi.

Author: Liban Farah

Editor of Faafiye.com
Host of Faafiye Show
I can be reached by Email at editor@faafiye.com

Share this post