SCOTLAND OO WELI JECEL INEEY KASII MID AHAATO UK

_77689145_77689144

Scotland ayaa qeyb ka sii ahaan doonto Britain kaddib markii ay codbixiyayaashu ay go’aan ku gaareen inaysan haa ku codeyn oo doonayaan in Scotland ka sii mid ahaato UK.

Iyadoo ilaa haatan la tiriyay 31 ka mid ah 32-da degaan ee Scotland ayaa dadka diiddan inay ka go’aan Britain waxay heleen boqolkiiba 55.

Sidoo kale Dadka doonaya madaxbanaanida Scotland ayaa ilaa haatan helay boqolkiiba 45.

Wasiirka koobaad ee Scotland, Alex Salmond, oo u ololeynayay in Scotland ay go’da ayaa sheegay inuu oggolaaday in laga guulaystay.

Inkastoo wali si rasmi ah loo soo saarin natiijada rasmiga ah ayaa hadana wariyaash ku sugan goobaha codbixinta ka socota ayaa soo sheegaya in wali ay horeeyaan dadka diidan in Scotland ka ga’do dhulweynaha Britain.

Shacab badan ayaa isugu soo baxay halka codbixintu ka socoto,waxaana la arkayaa dadkii ku codeeyay ‘Maya” oo farxadi ka muuqati ka dib markii mira dhal uu noqday hamigoodii ahaa in Scotland ka sii mid ahaato UK.

Author: Liban Farah

Editor of Faafiye.com
Host of Faafiye Show
I can be reached by Email at editor@faafiye.com

Share this post