Barlamaanka Soomaaliya oo Gudbiyey Mooshin ka dhan ah shirkadda Al-Beyradh

dekeddamuqdisho1327869721

Kulanka Maanta oo ahaa kalafadhigii 5-aad dhagiisii koowaad ayaa waxaa ka qeyb galay 139 Xildhibaan, ajandaha kulankana waxa uu ahaa qeybinta mooshin ka dhan ah jebinta qaraarkii Baarlamaanka ee la xiriiray Dekedda Muqdisho kaasi oo ay Golaha usoo gudbiyeen XIldhibaanno ka tirsan Baarlamaanka.

Kulanka ayaa waxaa shir gudoominayay guddoominayey Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad.
Xildhibaan C/qaadir Maxamed Aadan (Sandheere) oo ka mid ah Xildhibaannada soo saxiixay mooshinkan ayaa ka hor akhriyey Baarlamaanka waxaana uu xusay in mooshinkan ay soo raaciyeen cabashada howlwadeenada Shirkadaha maraakiibta,xoogsatada Majakuus iyo Muruqmaalba muhiimaduna ay tahay sababta loo jebiyey qaraarkii uu horey u qaatay Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

 

Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa Xildhibaannada u faah faahiyey nidaamka sharci ahaan ay tahay in la marsiiyo heshiisyada caalamiga ah ee maalgashiga shisheeye waxaana uu dhanka kale Baarlamaanka ka hor Akhriyey qoraal uusoo gudbiyey hanta dhowrka guud ee Qaranka kaasi oo ku saabsanaa heshiiska Dekedda Caalamiga ah ee magaalada Muqdisho.

Mooshinka iyo akhrinta qoraalka oo ka soo baxay xafiiska Hanti dhowrka guud ee Qaranka ayaa Xildhibaannada Baarlamaanka waxa ay gudagaleen soo jeedinta talooyin la xiriira talaabada la qaadayo taasi oo badankeed noqotay in loo yeero Ra’isulwasaaraha Xukuumadda si uu Baarlamaanka uga jawaabo su’aallo la xiriira cida jebisay qaraarkii uu Baarlamaanka horey uga qaatay arintan iyo halka ay ku dambeysay natiijada guddi uu Ra’isulwasaaraha arintaasi u saaray.

02-April ee sanadkan 2014 ayaa Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya waxa uu soo saaray qaraar uu ku dalbanayey in aanan lagu wareejin Karin dekedda Muqdisho shirkadda Al-Beyradh ee dalka Turkiga ilaa inta heshiiskaasi Baarlamaanka laga hor keenayo.
Shalaya ayaa si rasmi ah waxaa Dekada Muqdisho loogu wareejiyay shirkad laga leeyahay dalka Turkiga.

Author: Liban Farah

Editor of Faafiye.com
Host of Faafiye Show
I can be reached by Email at editor@faafiye.com

Share this post