Home.Warka

Ethiopia Degmooyinka Kilinka 5aad iyo Systemkii Dib u Curashada.

Like Tweet Pin it Share Share Email

afdheer - Copy

Deegaanka ay Soomaalidu leedahay ee dalka Itoobiya ama dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya wuxuu ka kooban yahay 68 degmo waxaa kamid ah 15 degmo oo la magacaabay xilligii uu madaxweynaha Kililka noqday Cabdi Maxamed Cumar madaxweynaha xilligan ee Kililka 5aad iyo weliba 1 degmo oo gadaal lagaga daray.

68-daas degmo intii uu hirgalay qorshihii loogu magacdaray DIB U CURASHADA waxaa la isku baddelay degmooyinkii 9ka gobol,

Tusaale dhammaan guddoomiyeyaashii gobolka Afdheer waxaa loo baddelay degmooyin kale halka la keenay guddoomiye . degmo oo cusub lagana soo baddelay degmooyin gobollo kale ah.

MAXAA DHACAY- Waxaa dhacay wax la yaab leh oo lagu tilmaami karo caddaalad darro iyo eex, isbaddelkaas wuxuu keenay in degmooyinka REER FIQI CUMAR  la keeno rag laga soo baddelay degmooyin kale guddoomiyeyaashii ReerFiqi Cumar ee xukumayey degmooyinka gobolada khaasatan Afdheer- , Jarar ,Shabeelle iyo dhulka kale ee Reer Fiqi Cumar ku badanyahay  dhammaantood wa laga qaaday xilalakii degmooyinkii kalana looma baddelin .

Waxaa xusid mudan in qorshaha dib u curashadu ahaa nidaam wanaagsan oo loo baahnaa in isbaddel noocaas oo kale ah dhaco.

Ma jiro hal guddoomiye degmo oo 68-daas gudoomiye degmo ee Kililka 5aad leeyahay oo Reer Fiqi Cumar  ah, rumeyso ama ha rumeysan.

Qoraalkan ama  warbixintan ayaa xaqiijinaysa  in uusan jirin hal guddoomye degmo oo Reer Fiqi Cumar  ah oo ku magacaaban degmo ka mid ah 68-da degmo oo Kililka 5aad leeyahay.

Waxaa suuragal ah inaad is weydiiso maxay eersadeen uma hayno jawaab sax ah laakiin waxaa macquul ah inay eersadeen nabdda ka jirta degmooyinkooda, taageerada maamulkooda Kililka 5aad iyo taageerada dowladda dhexe ee Itoobiya.

La soco warbixinta 2aad oo noqon doonta Reer Fiqi Cumar  wax ma ku leeyihiin magaalooyinka leh kharashka dheeriga ah loona yaqaano city council-  ee Kililka 5aad?

Comments (0)

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *