Kismaayo Shir kama Socdo

Kismayo)_680

Shirka ka socda magaalkada Kismaayo ayaa la sheegay in uu Joogsaday, kaasoo sida la sheegay u hakaday Ergadii ka qeyb geli laheyd oo Sedax u Dhig wax qeyb ka badan ay ka maqanyihiin.

Cabdi Barre waxaa uu ka mid yahay Ergada Shirka Kismaayo Jooga, hadda ma socdo Shirkaas ayuuna u sheegay war-baahinta  Ergo badan ayuu sheegay in la sugayo kuwaa oo shirka ka qeyb Gelaya.

“Odayaasha dhaqanka ee Kismaayo Yimid kaliya ayaa wada halaya, majiro wax shir ah oo Kismaayo ka socda, Isbarasho kaliya ayaa hadda ka socota halkan, Laba Duulimaad oo ka kala Imaanaya Garbahaarey iyo Ceel-waaq ayaa la sugayaa” ayuu sii raaciyay.

Shirka oo Xasan Shiikh uu Furay ayaan ahayn mid loo dhanyahay, dadka Gedo ayaa intooda Badan waxaa ay Shir ka Furteen Garbahaarey, halka qaar ka mid ah isla dadka Jubbooyinka ay dhaliilsanyihiin waxa Kismaayo ka Socda

 

Share this post

Post Comment