Puntland Vs Galmudug Dagaal Cusub oo laga cabsi qabo inuu ka biloowdo Gaalkaacyo

koob25
Maamulka GALMUDUG ayaa waxa uu warqad cabasho ah u gudbiyey dhamaan Hay’addaha Dowladda iyo kuwa caalamiga oo ay uga cabanayaan cunuqabatayn ey sheegeen in ay ku soo rogeen Maamulka Puntland Warqaddan oo ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha GALMADUG oo ku sumadaysnayneyd REF: GMS/XM/0000.0315/09/14 ayaa waxa ay u qornayd sidan:-
Ku: Wakiilka Qaramada Midoobey  (UNSOM) ee Soomaaliya
Ku: Wakiilka IGAD ee Soomaaliya
Ku: Wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya
Ku: Wakiilka AU ee Soomaaliya
Ku: Ciidamada Nabbad ilaaliyaasha ee AMISOM
 
Ujeedo: Daandaansi Colaadeed iyo Cunaqabatayn  uu wado Maamulka Puntland.
Mudanayaasha warqaddani ku socoto ,waxaan ku wargalineynaa in maamulka Puntland  ku hayo Shacacka iyo maamulka Galmudug  xadgudub joogta ah, cunaqabatayn, iyo faragalin qaawan ee arimaha gudaha ee Galmudug.
Waxaa la wada ogsoonyahay in garoonka Diyaaradaha ee magaalada Galkacyo uu yahay hanti Qaran, waxaana maamulkiisa gacanta ku haya mamulka P/land isla markaana ka faa’ideysta dhaqalaha kasoo xarooda, iyagoo ka faa’ideysanaya heshiiskii 1993dii looguna igmaday iney gacanta ku hayaan maamulkiisa iyadoo la xeerinahayo  in magaalada nabad loogu wada noolaado.
Mudadaas dheer kadib, reer Galmudug waxay si joogta ah ugu soo jeedinayeen maamuladii  isaga danbeeyay P/land in laga wada hadlo sidii loo wadaagi lahaa maamulka iyo dhaqaalaha  Garoonka Qaran, iyadoo ay garab socotay dhibaatooyin iyo xadgudubyo joogta ah oo ka imaanayay maamulka Garoonka sida:-   Dil, Cunaqabateyn,  iyo is-hortaag wufuud caalami ah iyo hay’ado samafal ee u socday maamulka Galmudug.
Haddaba, iyadoo la xakamaynayo dhibaatooyinka aan kor kusoo xusnay ayaa ganacsatada iyo shacabka Galmudug waxay dhisteen Garoon cusub OSHACO International Airport kuna yaala dhanka koofured ee magalada Galkacyo una jira qiyaastii 10KM, waxaana la furay Garoonkaas 22/11/2013 uuna duulimaadkii ugu horeyay uu kusoo dagay M/weynaha Maamulka Galmudug.
Laga bilaabo maalintii la furay garoonkaas OSHACO International Airport waxaa maamulka P/land kusoo rogtay xanibaad diyaaradihii ganacsiga ee isticmaalayay deegaanada Galmudug inaysan ka dagi karin deegaanadaas, Shirkaddi ugu horeysay ee ahayd Oday Travel Agencey, taasoo siday M/weynaha Dowlad Gobaleedka Galmudug, waxay la kulantay ganaax lacageed oo dhan tobankun(10.000,00) oo dolar ama in lagala noqdo shatigii duulimaadka dhulka ay maamusho P/land, isla markaana waxay xayiraad toos ah kuso rogeen dhamaan deegamada Galmudug.
17kii bishii afaraad ee sanadkan M/wynaha Dowlad Gobaleedka Galmudug wuxuu booqasho ugu tagay  dhigiisa P/land isagoo safar shaqo ku yimid magalada Galkacyo, wada hadal kadib, waxay is ku afgarteen in la magacaabo guddi ka kooban labada dhinac oo sii anba qaada heshiiskii 2010 ay ku galeen magaalada Garowe labad maamul, si waax looga qabto dhibaatooyinka ka jira deegaanada Galmudug iyo P/land, waxayna ku balameen isla 24ka bishaas in C/weli Gaas booqasho ku yimaado dhanka Galmudug si loogana dhawaaqo labada guddi, nasiib daro iyadoo reer Galmudug ka sugeeyn inuu yimaado martiqaadkaas si loo xaliyo dhibaatooyinka  jiray wuxu ka dhoofay aroornimadiii garoonkii Galkacyo isagoon wax cudur daar ah soo gaarsiin dhanka Galmudug.
Intaa kadib, markuu dhamaaday shirkii Gobalada Dhexe ee ka socday caasimada Muqdisho, Madaxweynaha Galmudug iyo wafdigii shirka kasoo qaybgalay waxay go,aansaden in deeganadii dib ugu laabtaan 18kii September 2014, hasse yeeshee waxay la kulmeen xayiradii P/land horay ugu soo rogtay in diyaradaha  ganacsiga aysan ka dagi karin deegaamada Galmudug.
Sidaa daraadeed, madaxda Galmudug waxay xariir toos ah la sameeysay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa si loo qaado xayiraada ay u gudbiyeen diyaradaha ganacsiga, waxayna ogolaadeen maalintii jimcaha ahayd 19 Septembet  2014  iney soo saaraan qoraal ay kaga qaadayaan xayiraada si meesha looga saaro cunaqabteynta saran Galmudug, hasse yeeshee markii ay suurta galiwayday qoraalkii aan isku afgaranay ee ahaa qaadida xanibaada diyaradaha, waxaa markale xariir toos ah lala yeeshay madaxda P/land  isla 20kii September, waxayna cadeeyeen inaysan badaleeynin mooqifkoodii hore ee ahaa in aan diyaarad ganacsi ka dagi Karin deegaana Galmudug.
Ugu danbeyntii waxaan dowladda Soomaaliyeed iyo Bulshada Caalamka ku wargelineynaa in falalka maamulka P/land ay yihiin kuwa abuuraya xiisad colaadeed iyo deganaansho la,aan dhamaan deeganada gobalka, isla markaana carqaladeynaya hanaanka geedi socodka maamul u sameynta gobalada Dhexe.
Si looga hortago dhibaaato colaadeed oo ka dhacda deegaamadaas waxaan ka codsaneynaa Madaxda Dowladda Federalka Soomaaliyeed iyo Bulshada Caalamka in garoonka Qaran ee ku yaal magalada Galkacyo arinkiisa wax looga qabto mudo 3( saddex) maalmood ah laga bilaabo 21 September 2014 ilaa 24 September 2014, arintaas cawaaqib xumadii ka dhalatana masuuliyadeeda, waxaa qaadaya hogaamiyaha Puntland  Cabdiwali Gaas
 
 
 
 
 
Mudane Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdid)
Madaxwaynaha Dowlad Gobaleedka GalMudug

 

Author: Liban Farah

Editor of Faafiye.com
Host of Faafiye Show
I can be reached by Email at editor@faafiye.com

Share this post