Ra'iisul Wasaare Cabdiweli oo laga Codsaday inuu ku noqdo Soomaliya

Cabdiweli

Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Dowlada Federaalka Somalia, Mahad Cabdala Cawad, ayaa sheegay in Gudoonka Baarlamaanka ay Warqad uqorayaan Ra’iisul Wasaaraha Dalka C/weli Sheekh Axmed oo ay ka dalbanayaan inuu hor imaado Baarlamaanka si Su’aalo looga weydiiyo Heshiiska Dekada.

Waxa uu sheegay in Ra’isulwasaaraha looga baahan yahay inuu muddo kooban gudaheeda uu dib ugu soo laabto Magaalada Muqdisho, si wax looga weydiiyo Heshiis Xukuumada ay lagashay Shirkad laga leeyahy Dalka Turkiga.

Ra’isulwasaaraha, ayaa la sheegayaa in looga fadhiyo ka jawaabida Su’aalo laga weydiin doono Arrimaha Xukuumadiisa iyo Heshiiska Xukuumada ay lagashay Shirkad laga leeyahy Dalka Turkiga.

Sidoo kale, Go’aankaani uu maanta shaaciyay Gudoomiya Ku-xigeenka Labaad Mahad Cabdala Cawad, ayaa waxa uu imaanayaa xili Gudoomiyaha Gudiga Arrimaha Gaadiidka Baarlamaanka Soomaaliya Xildhibaan Cismaan Aadan Dhuuboow uu sheegay inaysan ku qancin qaabka loo kala wareejiyay Dekada.

Author: Liban Farah

Editor of Faafiye.com
Host of Faafiye Show
I can be reached by Email at editor@faafiye.com

Share this post