Xoogsatada Dekeda Muqdisho oo Banaanbax Sameeyay

IMG_B7E29D-673718-DC5D5E-46CBD8-701B71-7764D0

Banaan bax Maanta barqadii ka dhacay Barxada Sayidka ayaa waxa isugu soo baxay ku dhawaad labo kun oo Shaqaalaha Dekeda Muqdisho ah kuwaasi oo ka cabanaayay Masuuliyiinta Dekedda oo la xiriirta in qaarkood laga joojiyay Shaqada.

Gudoomiyaha Urur weynaha Shaqaalaha Soomaaliyeed Maxamed Cusmaan oo Warbaahinta kula hadlay Barxada Sayidka ayaa Sharaxaya dhibaatooyinka ugu weyn oo ay kala kulmaan Masuuliyiinta Dekedda waxa uuna ka codsaday Madaxda Dowlada in arrintaasi wax laga qabto.waxa uu Sidoo kale Sheegay in Shaqalaha Dekeda ay heysato dhibaatooyin fara badan oo ay ka mid tahay in aysan si toos ah u helin xuquuqdoda, waxa uuna xusay in Shaqalaha Dekeda Weligooda aysan arkin ama aysan la kulmin Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha ee Xukuumada Soomaaliya.

 

Taliye ku Xigeenka Booliska Gobolka Banaadir Cali Maxamuud Cali oo la hadlay dadka Banaanbaxa dhigaayay ayaa u sheegay in loo baahan yahay in ay xalka dajiyaan oo ay ku laabtaan Guryahooda waxauuna xusay in Cabashadooda ay u gudbinayaan Madaxda Dowlada.

Banaanbaxa Maanta aya imaanaya iyado Labo maalin ka hor Dekeda Muqdisho lagu wareejiyay Shirkad laga leeyahay Dalka Turkiga waxana Shalay Baarlamaanka Soomaaliya ay Shirkadaasi ka keeneyn Mooshin.

Author: Liban Farah

Editor of Faafiye.com
Host of Faafiye Show
I can be reached by Email at editor@faafiye.com

Share this post