Home.Warka

3 nin oo Muruq Maal ah oo lagu dhaawacay Dekadda Muqdisho.

Like Tweet Pin it Share Share Email

murasl-498x257

Ciidamada Booliska ayaa waxaa ay ilaa Sedax qof ku dhaawaceen Dekadda Muqdisho, kuwaa oo ka mid ah Shaqaalihii Muruq maalka ahaa ee ka shaqeynayay Dekadda.

Ciidamo Boolis ah iyo Shaqaalaha Sharikadda Al-bairak ayey sheegeen Muruq Maalku in ay Rasaas kusoo fureen ayna dhaawaceen ilaa Seddax, ruux oo ka mid ahaa dadkaas Xamaalatada ah.

Wariyeyaal meesha tegay ayaa sheegaya in Halkaas ay ku Arkeen dhaawaca labo ka mid ah dadka ku dhaawacmay Rasaasta ay Boolisku ku Fureen Muruq Maalkaas, sida ay sheegayaana mid kale isaga oo dhaawac ah waxaa xiray Booliska.

Qaar ka mid ah Muruq maalka Dekadda ka Xamaasha ayaa sheegaya in ay Arkayeen, mid ka mid ah Shaqaalaha Turkiga ah ee ka Tirsan Al-bairak oo Bastoolad sitay, kaasoo Xabado ku ridayay dadka Xamaalatada ah.

Rabshad kooban oo u dhexeysa, Ciidamada Booliska iyo Shaqaalaha Al-bairak oo is Baheysanaya iyo dadka Xamaalatada ah ayaana halkaa ka dhacday, wallow markii dambe ay Boolisku dadka Halkaas ku kala Eryeen dadkii Xamaalatada ahaa.

Dhowaan ayaa Sharikadda Al-bairak ee Turkiga ah waxaa ku wareejiyay Maamulka Dekadda Muqdisho Xukuumadda, Baarlamaanka Dalka ayaase dhowaan la horgeeyay Mooshin ka dhan ah Sharikaddaas, taasoo markii ay shaqada la wareegtay shaacisay in ay Shaqada ka Joojineyso 5,000 oo Ruux oo Muruq Maalka ka mid.

Comments (0)

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *