Maxkamad lasoo taagey raagii weeraray Westgate Mall kenya

Kenya's Westgate mall terror attack child fleeing

Maxkamadeynta Afar nin oo Somali ah oo lala xiriirinayo weerarkii westgate Mall ee wadankaasi Kenya ayaa lagu waramayaa in dib loo dhigay taa oo mudo kahor ladoonaye in dib loo bilaabo.

Raggan somalida ah ayaa kucabaya in marlabaad jirdil loogu geystay gudaha xabsiga ay kuxiranyihiin ,iyagoo cabasho ugudbiyay qareenada difaacaya iyaga.

Kenya charges four suspects over Westgate mall attack

“Ilaalada xabsiga waxa ay dhowr mar jirdileen maxaabiistan somalida ah ,xitaa dhaawacyo ayaa soo gaaray waxayna gaartay in isbitaalka loola cararo” ayuu yiri Mwaniki Gachomo oo katirsan qareenada daafacaya raggan somalida ah oo lahadlay wakaalada wararka ee AFP.

Sarkaal uhadlay ciidamada dowlada Kenya ayaa sheegay in ay baaritaan kuwadaan arintan war dhab ahna ay kasoo gaari doonaan marka baaritaanka uu idlaado.

kenya_mall_shooting10

Raga somalida ah ee lagu eedeenayo in ay xiriir laleeyihiin Al-shabab ee kadambeeyay weerarkii westgate ayaa waxa ay kala yihiin Hussein Hassan Mustafa, Mohammed Ahmed Abdi, Liban Abdullah Omar iyo Adan Mohammed Abdikadir.

Weerarkii westgate Mall oo hada sanad laga joogo waxaa kudhintay in kabadan 67 ruux halka ay kudhaawacmeen 175 ruux,waxaana sheegtay Al-shabab.

Author: Liban Farah

Editor of Faafiye.com
Host of Faafiye Show
I can be reached by Email at editor@faafiye.com

Share this post