Ururka KA JOOG oo lagu xanto ineey basaas u yihiin FBI da gobolka Minnesota

10568954_673056512779202_206080883297070546_nSouthside ooku Farxsan ceeyrinta laga ceeyriyey ururka KA JOOG

Ururka loogu magac daray KA JOOG ee  ka dhisan magaalada mataanaha ah ee caasimada Gobolka Minnesota ee cariga mareeykanka ayaa beryahaan danbe waxaa soo ifi faalo baxayo in lagu xanto ineey la shaqeeyaan sirdoonka Mareeykanka oo marka lasoo gaabiyo loo yaqaano FBI da dhalinyaradan isku tagtay ayaa ah dhoowr walaalo ah oo isla dhashay iyo asxaabtooda oo kali ah. waxaan si sir ah noogu waramay wiil kamid ahaa shaqaalaha oo diiday inuu magaciisa noo sheego kasoo ahaa mid shaqada laga ceeyriyey kadib markii uu diiday shaqo basaasnimo ah oo loo diray . xanta leeysla dhex marayo Minnesota ayaa ah ineey KA JOOG ka danbeeyeen ineey fashilaan Somaalida Business kooda sida Home keerada  iyo Day keerada . illaa hada waxeey soo xireen home keero badan iyo Day keero badan oo eey dad Somaali ah leeyihiin. waxeey iska dhigaan ineey dhalinyarada caawiyaan balse illaa hada ma aragno dhalinyaro eey caawiyeen. waxaa lagu xantaa ineey markasta ka shaqeeyaan ineey u gudbiyaan FBI da xumaanta dadkooda Soomalida ah iyo sideey u burburin lahaayeen business ka Soomaalida .

2014921635468559652672550kajoog

From left Abdifatah Farah, Abdimalik Mohamed, Mohamed Farah and Abdul Mohamed, ragaan ooka shiraya sidii eey lugaha uga gooyn lahaayeen dadkooda Soomaaliyeed.

waxeey arintan soo shaac baxday in laga hadlo sanadkaan dhamaadkiisa markii shaqada laga ceeyriyeey wiil dhalinyaro ah oo magaciisa loogu yeero SOUTHSIDE kaasoo ahaa xubin fir fircoon oo kamida ah ururka KA JOOG . arintaan oo  murugo ku abuurtay dhalinyarada degen Minnesota ayaa walaac ka muujisay ineey dhalinyarada kala noqdaan kalsoonidii iyo Aaminkii  eey u hayeen ururka KA JOOG kaasoo eey u arkaan caqabad hortagaan horumarkooda . waxaa sidoo kale Minnesota lagu arkay in qilaaf soo kala dhex galey dhalinyarada kaasoo ah in Maalinta xornimada Soomalida Minnesota labo maalin lakala dabaal dego weligeed ma dhicin  sanadkaan ka hor maxaa yeeley waxaa qaban qaabada dabaal dega waday KA JOOG oo eey dhacday  maalintii kowaad  waxaana lagu qabtay Lake Street suuqa Karamell Dhabarkiisa.

10390972_1429407060676671_3857756098561606226_n Dj Jeylani  Somali Indepedence day #1

dabaal degii labaad ee maalinta Xornimada Soomalida ayaa waxaa lagu qabtay Franklin and Chicago waxaan soo qaban qaabiyey Ventura Village halkaas oo shacab faro badan isugu soo baxay .  waxaan halkaas kaaga cad in khilaaf soo kala dhex galey dhalinyardii magaalada oo si wadajir ah u qaban jiray dabaal dega maalinta xornimada. maxaa yeeley KA JOOG ayaa ka danbeeysey ayuu yiri nin dhalinyaro ah oo magaciisa noo diiday inuu noo sheego. hadaba aqristoow

10464099_1432038873746823_6009687464749401789_nDj jeylani Somali Indepedence  day #2

Aqristoow maxaa keeney kala qeeybsanaanta cusub ee soo shaac baxday beryahaan. halkaan kala soco wixii kaloo nagu soo kordha ooku saabsan arinta kala qeeybinta ee KA JOOG ka danbeeyso.

Share this post

Post Comment