Arrinta Badda ee Soomaaliya iyo Kenya ayaa waxaa ka hadlay xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka

Dahir

Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir oo warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa ka hadlay arrimo la xiriira muranka xagga badda iyo dadaalka ay dowladdu ugu jirto sidii arrimahaasi xal looga gaari lahaa.

mudane Axmed Cali Daahir ayaa tilmaamay in arrinta badda Soomaaliya ay mudantahay in laga hadlo, dowladda Kenyana aan looga hari doonin in badda Sooamaali ay sheegato, iyadoo adeegsaneysa shirkado ajnabi ah.

“Kenya waxay sheeganeysaa baddeeda, marka waa in aan ka muujinaa mowqifkeena ku aadan arrimaha badda, teeda kale badda Soomaaliya ma ahan wax gor gortan laga geli kara, sida aad ogtihin dowladdu si weyn ayay arrimahaasi uga dhii dhisay” ayuu yiri Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka.

Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa sheegay in dowladdu ay arrinta badda la tiigsaneyso sharciga caalamiga ah, waxaana uu mudanayaasha baarlamaanka ka codsaday inay gacan ka geystaan arrintan oo ay Xukuumaddu ku caawiyaan sharuucda xagga badda ah.

“Sida Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Xukuumadda Soomaaliya ay uga dhiidhiyeen ayaan rabnaa in Baarlamaanka dhankooda oo aan ka codsaneyno sidii ay horeyba u joojiyeen qadiyadda badda markii ugu xumeyd inay hadda gacan ka geystaan oo ay nagu taageeraan wixii sharuuc ah ee loo baahdo” ayuu hadalkiisa ku soo gabo gabeeyay xeer ilaaliyaha Qarank.

Author: Liban Farah

Editor of Faafiye.com
Host of Faafiye Show
I can be reached by Email at editor@faafiye.com

Share this post