Dowlada Soomaliya ayaan raali ka noqoneeynin dadke Muruq maalka ee lagu xad gudbayo

khan20130619133004510

Shaqaalaha Muruq umaalka ah ee ka shaqeeya Dekada Muqdisho ay ka cabanayaan shaqo joojin iyo xad gudubyo kale oo ay sheegeen in lagu hayo ka dib markii Dekada Muqdisho lagu wareejiyay Shirkad laga leeyahay dalka Turkiga ayaa ayaa arintaasi ay ka hadashay Dowlada Soomaaliya.

arintii shaley dhacday oo aheeyd in labo shaqaale la dhaawaco ayaa Agaasimaha Shaqada iyo shaqaalaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Aweys Sheekh Xadaad ayaa sheegay inaysan suura gal ahayn in muruq maalatada Dekada Muqdisho iyagoo shaqadooda wata iska baxa la yiraahdo, ama la xabad lagu dhufto oola dhaawaco ama la dilo isagoona cadeeyay in arintaasi raali aysan ka ahayn Dowlada Soomaaliya.

” Marnaba ma dhaceyso in dhalinyaradeena maanta xamaalatada ah la yiraahdo baxa,shirkado waa la keeni karaa dalka wuxuu u baahan yahay hormarin,Laakiin ma aqbaleyno in shaqaalaha xadgudub loo geystay,Shirkadaan la leeyahay Dekadey la wareegtay ee Dowlada ay keenya Dowlada waa uga mahad celeynaa,” ayuu yiri agaasimaha Shaqada iyo Shaqaalaha Dowlada Soomaaliya.

 Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa maamulka Dekada Muqdisho ku wareejisay Shirkad laga dalka Turkiga oo la yiraahdo Al-beyrk,taasi oo ka shaqeyneyso hormarinta Dekada.

Waxaana dhibaatooyin la soo deristay Shaqaalaha ka Xamaasha Dekada.

Share this post

Post Comment