Home.Warka

Gaalkacyo oo dagaal looga cabsi qabo

Like Tweet Pin it Share Share Email

46828A8DBDE625246198D4278CF172

Maamul goboleedka Puntland ayaa ciidamo fara Badan waxaa ay soo dhoobeen Xadka Kala qeeybiya Maamulada Gal-mudug iyo Puntland, sida aan wararka ku helayno.

Ciidamadan oo ku hubeysan gaadiidka dagaalka ayey wararku sheegayaan iney xalay gaaf wareegayeen xaafada Horumar ee kala qeybisa woqooyiga iyo koonfurta Gaalkacyo iyagoo dadka ku amrayey iney guryaha galaan.

Saraakiisha maamulka Puntland ayaa sheegay in ciidamadan ay xaqiijin doonaan amaanka magaalada Gaalkacyo iyo garoonkeeda dayuuradaha, ujeedada halkaas loo geeyeyna aysan aheyn colaad iyo duulaan.

Goobjoogayaa ku sugan Gaalkacyo ayaa waxaa ay sheegeen in Garoonka  diyaaradaha Magaalada Gaakacyo ee Xarunta Gobolka dagin Diyaaradaha Rakaabka ah ee Maalin walbo kasoo dagi jiray Garoonkaasi.

Talaabadan ayaa ku soo soo aadeysa xili labada maamul ee Puntland iyo Galmudug uu soo kala dhex galay khilaaf ku saabsan garoon dayuuradeed oo Galmudug ay ka sameystay degaano koonfur ka xiga Gaalkacyo, kaasoo ay hawada ka xirtay Puntland.

Comments (0)

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *