Mr Moore oo ah nin C.I.A da Mareeykanka oola sii daayey dibna u heley Xoriyadiisii

michael_Scott-Moore_hostage_RPG

Wada xaad joodayaasha ayaa ku  dadaalayay sii deynta nin C.I.A ah  wuxuuna  udhashay dalka  Mareykanka heystayna dhalashada Dalka Germany oo 2 sano iyo bar u afduubnaa Burcad Badeed Soomaali ah ayaa Hadda wararka soo baxaya waxaa ay sheegayaan in lacag madaxfurasho ah lagu siidaayay.

Kooxda Burcad Badeedda Soomaalida ayaa qaatay $1.6 million oo Doolar iyaga oo siidaaynta ninkan C.I.A da ah  mudada dheer u afduubnaa, Ninkaan C.I.A da ah ayaa gacanta lagu dhigay bishii January ee sanadkii 2012kii waxana lagu hayay meel u dhaxeysa Magaalooyinka Gaalkacyo iyo Hobyo oo 2duba ka tirsan Gobolka Mudug.

afyeenad u hadashay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Germany ayaa sheegtay ineysan xaqiijin Karin in lacag la bixiyay maadaama ay mamnuuceyso Siyaasadda Mareykanka in madaxfurasho la bixiyo.

Mr Moore oo 44 jir ah ayaa Talaadadii ka duulay Garoonka Diyaarahada ee C/llahi Yusuf ee Magalada GaalKacyo waxana uu u duulay Nairobi

Ninkan C.I.A da ah ayaa u shaqeeyayay Wargeyska Der Spiegel ee ka soo baxa Dalka Germany,waxaana Wakaaladda Wararka ee AP ay xaqiijisay in Lacag madax furasho ah lagu siidayay Wariyahaasi Mudadad u afduubnaa kooxaha Burcad Badeedda Soomaalida ah.

Author: Liban Farah

Editor of Faafiye.com
Host of Faafiye Show
I can be reached by Email at editor@faafiye.com

Share this post