Home.Warka

No fly Zone after 12:00 pm maanta Gaalkacyo Garoomadeedii oo wada Xiran

Like Tweet Pin it Share Share Email

 

airport-2Masuuliyiinta Dowladda Galmudug ayaa shaaciyay in 12 duhurnimo wixii ka danbeeya aysan diyaarad ka soo degi doonin garoonka W/gaalkacyo.

Iyada oo xiisada u dhaxeysa Maamul Goboleedyada galmudug iyo Puntland ayaa saraakiisha Maamulka galmudug waxaa ay sheegeen in manta wixii ka danbeeya 12 ka duhrnimo uusan shaqeyn doonin Garoonka Gaalkacyo ee dhanka waqooyi ku yaala.

Kulan ay isugu yimaadeen madaxda Maamul goboleedka Galmudug,ayaa waxa ay isku raaceen in aanay dhici karin in magaalada Gaalkacayo labadeeda garoon midna uu shaqeeyo midna Xanibnaado

Shalay ayaa Magaalada Gaalkacyo Garoonkeeda waqooyi Waxaa ka baaqsaday diyaaradaha rakaabka ah iyo kuwa qaramada midoobay ee garoonkaa isticmaali jiray

Maamul goboleedka Puntland,ayaa shalay ciidan aad u tiro badan geeyay  garoonka diyaaradaha ee waqooyiga Gaalkacayo kaasoo ay sheegeen in ay ku xoojinayaan ciidankii hore u joogay garoonka diyaaradaha ee dhanka Puntland ee Gaalkacayo.

Sidoo  kale Maamulka Galmudug ayaa isna waxaa uu ciidamo Fara badan geeyay meel aan sidaa uga fogayn halka ay fadhiisinka ka dhigteen ciidamda puntlnd, waxaan laga cabsi qabaa in uu isku dhac bilowdo.

Comments (0)

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *