Home.Warka

Dowlada Kenya oo Dugsi Quraan xirtay

Like Tweet Pin it Share Share Email

DUGSI-QURAAN-CAALAMI-AH1

Saraakiisha Kenya ayaa xidhay Madariso, waxaana loo xiray in ay ardada baraysay fikrado xagjirnimo ah.

Madarisadaasi oo kutaalaa Majakos ayaa 65km bari ka xigta magaalada Nairobi, waxaana la bar-tilmaameedsaday kadib markii la xirxiray dhalinyaro looga shakiyay in ay ku biirayeen ururka al-shabaab.

Waa markii u horaysay ee Madariso looxiro arrin xagjirnimo la xiriirta Sarkaal booliis ah ayaa sheegay in madarisooyin kalana ay ku xigi doonaan. Afhayeenka wasaaradda arimaha gudaha Mwenda Njoka ayaa faafiye u sheegay in go’aan lagu gaaray in la xiro madarisadaasi oo lagu magacaabo xarunta Daarul-Irshaad oo la furay sanadkii 1997 Uururka al-shabaab ayaa kenya ka fuliyay weeraro halis ah, iyaga oo sheegay in ay kaga aar gudanayaan joogitaanka ay ciidammada Kenya Joogaan Soomaaliya.

Comments (0)

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *