Dowlada Uganda oo baareeysa Kufsiga ciidankeeda jooga Soomaaliya

uganda-troops

Taliya ugu Sareeya Ciidamada Uganda, ayaa sheegay in ay Baarayaan haddii ay Ciidamadoodu ku lug leeyihiin Warbixin ay soo saaratay Human Rights Watch, taasoo sheegeysa in Ciidamada AMISOM ee Muqdisho jooga ay Kufsi u Geysteen Haween Soomaaliyeed.

Human Rights Watch oo Saldhigeedu yahay Magaalada New York ee Dalka Mareykanka, ayaa Horraantii Bishan Warbixin ay soo saartay ku sheegtay in Ciidamada Nabad Ilaalinta ee Dalka Jooga gaar ahaana kuwa Uganda ay Kufis u geysteen Haween iyo Gabdho Yaryar oo Soomaali ah oo aan waxba galabsan.

“Waxaa ay tahay mid ka mid ah kuwa Ugu weyn ee aan Baaritaanka ku sameyn doonno, inagoo raad raaceyna Warbixinta HRW, Taasi waxaa Sumcad dil iyo Ceeba ku Tahay Ciidamada Uganda” ayuu Yiri Gen. Katumba Wamala isagoo Wariyeyaasha kula Hadlayay Saldhigga ugu weyn ee Ciidamada Uganda.

Wamala ayaa yiri “waxaan Ogaaneynaa waxa ka jira Warbixinta HRW ka hor inta aynaan soo sarai Maqaal aan uga Jawaabeyno Arrintaas, dadka la dhibaateeyay ayaa Heli doona Cadaalad Fal, waxaanse Xaqiiqada ka dambeysa Arintan soo Ogaan doonnaa Waqtiga aan dheereyn” ayuu ku Daray Wamala.

“Waxaa la siin doonaa kuwa dhibaneyaasha ah Fursad ay Garsoorka ku horyimaadaan ayna Halkaas uga Hadlaan waxa ay Tabanayaan, iyo Jiritaanka Taciddiga loo geystay, iyo inta uu La’egyahay”ayuu sii raaciyay.

Wamala ayaa shaaciyay in ay AMISOM Eedeyntaas Baareyso, Uganda ayuuna yiri waa ay Garab istaagi doontaa Baaritaannada Socda.

 

Share this post

Post Comment