G/Sh/dhexe oo ka socda howlo looga hortagayo fatahaadda webiga

fatahaada-wabiga-shabeele

Gudoomiyaha Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa waxaa uu kormeeray deegaano ka tirsan gobolkaasi, halkaasi oo ay ka socoto howlo looga hortagaayo fatahaadda Webiga Shabeelle.

Meelaha uu booqday gudoomiye Cali Guudlaawe  ayaa waxa si xowliya uga ka socotay shaqo baaxad weyn oo lagu celinayo fatahaadda weybiga, taasoo ay iska kaashadeen wasaaradda Beeraha maamulka gobolka iyo shirkadda Hormuud.

Gudoomiyaha oo meelaha uu tegay kula hadlay shacabka iyo howlwadeenada ayaa sheegay in loo baahanyahay in dadku ay gacnahooda wax ku qabsadaan oo aysan cidna iska halleynin, isagoo xusay in dadku marka ay wax qabsanayaan loo kaalmeyn karo, wuxuuna ku boorriyay shacabkka iney ka wada qeybqaataan  carra tuurka looga hortagayo fatahaadda wabiga.

Sidoo kale gudoomiyaha ayaa daboolka ka qaaday in dadka ku nool gobolka Shabeellaha dhexe iyo maamulkuba ay go’aansadeen iney iyagu wax qabsadaan ayna soo dhaweeynayaan cid kastoo gacan ku siineysa howshaasi.

Isu duwaha wasaaradda Beeraha ayaa sheegay in dhowr bilood ay ku sugnaayeen gobolka ayna ku mashquulsanaayeen ka hortagga farahaadda webigga.

Wabiga shabeelle ayaa waxaa dulsoconaya biyo aad u badan  oo sababay in wabigu ku fataho deegano ka tirsan degmada Jowhar, iyadoo haddana ay socdaan dadaallo looga hortagayo fathaaddaasi.

Share this post

Post Comment